- Hargeysa (baraarugnews)-Guddida xuska 18ka May ee heer qaran ayaa bulshada u jeediyay dardaarankii u dambeeyay, waxaanay ugu baaqeen dadweynaha inay iska xil saaraan oo ay la shaqeeyaan ciidammada nabadgelyada dalka.Md. Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle, Wasiirka Warfaafinta JSL ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddida munaasibadda 18ka May, ayaa sheegay in caawa 12ka habeenimo la joojin doono dhaqdhaqaaqa gaadiidka.
Wasiir Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay nabad ugu soo baxaan xuska sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, waxaanu xusay in munaasibadan Somaliland ku xusi doonto wadajir ay caalamka ugu dirayaan fariin cad oo la xidhiidha lexjeclada ay u qabaan qaranimadooda qiimaha adag ku taagan.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Khadar Xuseen Cabdi oo ka mid ah Guddidaas ayaa shacbiga uga mahadceliyay diyaar-garowgii ballaadhnaa ee ay sameeyeen 17kii maalmood ee la soo dhaafay, waxaanu xusay in ay berina ugu soo baxaan si mug leh oo ay muuneeyaan sannadguurada 34aad ee dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.