Laascaanood,(baraarugnews.net)-Waraysi uu siiyey Radio Daljir Garaad Jaamac Garaad Cali wuxu ku sheegay in ay Somaliland ula dagaalamayaan si ay midnimada dhuleed ee Somalia u ilaaliyaan oo aanay aqoonsanayn xuduudii ingiriisku jeexay.
Wuxu intaa ku daray in ay qaateen doorkii dawlada Somalia oo iyagu difaacayaan dhulka inta la helayo qaran difaaca.
Beesha garaadku ka soo jeedo waxa qaybisay xuduuda Somalia iyo Ethiopia magaalada Marqaan oo jifada garaadku degto waxa ka taagan calanka amxaarada Ethiopia garaadkuna wuu ku qanacsan yahay, balse wuxu diidan yahay in Laascaanood laga taago calan nin Soomaaliyeed asalkiisa leeyahay.
Ujeedaduna waa gumaysiga amxaarada waan ogol ahay, ka Soomaaligana ma ogoli.Garaad Jaamacoow miyaanay gar ahayn in Marqaan iyo Laascaanood isku si loo wada xoreeyo maxaa midna xalaal ka dhigay midna xaaraan?.
Garaad la iskuma diidana midnimo Soomaaliyeed aan raadino waxa la isku diidan nahay midnimada Hargeisa keliya la rabo in laga hirgeliyo.