Mashaariicda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Maanta Dhagax-dhigay Gobolka Togdheer?

0
36

Burco,(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay Aagga Warshadaha ee Gobolka Togdheer, kaasi oo loo qorsheeyay in uu noqdo xarun muhiim ah oo kobcisa dhaqaalaha dalka, soo jiidashada Maalgashiga, shaqo-abuurka iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ku is dul taagay in Aagga Warshaduhu uu horseedi doono maalgelin ballaadhan, fursado shaqo oo cusub, iyo in la yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in mashruucani qayb weyn ka qaadan doono horumarinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsiga ee muwaadiniinta JSL. Shacabka iyo maamulka Gobolka Togdheer ayaa si weyn u soo dhaweeyay Dhagax-dhigga, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo istaraatiiji ah oo Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku xoojinayso Dhaqaalaha Qaranka isla markaana ay kor ugu qaadayso fursadaha shaqo ee bulshada.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland