Maraykanka Oo cunaqabateyn saraaya ciidanka milatariga Suudaan

0
2

Sudan(baraarugtv.com)-Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaraya ciidanka milatariga Suudaan, kaddib markii maanta warsaxafaadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu go’aamiyay inay ciidanka Suudaan adeegsadeen hub kiimiko ah intii uu socday dagaal ay milatariga Suudaan la galeen sannadkii 2024, kooxda RSF, wallow ay milatariga Suudaan si rasmi ah eedeynta u diideen — waxaana milatariga uu hoggaamiyo Jen. Burhan ay sheegeen inaysan waligood adeegsan hub kiimiko ah. Cunaqabateyntan ayaa sare u qaadaysa cadaadiska ay la kulmayaan milatariga Suudaan, iyadoo ay u muuqato in la arkayo isbeddeladii u horreyay oo ku imaanaya mowqifka Mareykanka ee arrimaha Suudaan, xilli bartamihii bishii Jannaayo ee sannadkan ,2025 uu Mareykanku cunaqbaateyn gaar ah saaray hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Jen. Cabdifatax Al Burhan.

Go’aanka ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka , ayaa sidoo kale muujinaya dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salman inuu ku guuldarraystay Trump inuu ku qanciyo taageerrada milatariga Suudaan, taa beddelkeeda wuxuu Trump, kaga dhawaaqay inta uu ku jiray booqashadii dhaweyd ee Sacuudiga uu ku tagay wax kasta oo la xiriiray Suuriya oo uu doonayay Maxamed Bin Salman, halka tallaabo kasta oo ka dhan ah milatariga Suudaan oo Mareykanka ka soo baxda ay waxtar u tahay Imaaraadka Carabta , ma cadda in Abu Dhabi ay beddeshay mowqifka Trump ee arrimaha Suudaan, balse waxa cad ayaa ah inuu Trump qaaday labo tallaabo oo iska soo horjeeda oo uu kula heysanayo Riyaad iyo Abu Dhabi oo heshiisyo maalgasho oo tirilyan doollar ah uu ka soo helay intuu uu ku jiray booqashadii khaliijka.