” Maddaarka Hargeysa Oo Lagu Wareejinayo Shirkad Lagu Magacaabo International Maharat Investment…”

0
16

” Maddaarka Hargeysa Oo Lagu Wareejinayo Shirkad Lagu Magacaabo International Maharat Investment…”

Hargeysa(RSI TV)-“WAR-SAXAAFADEED: 20/11/2025
Madmadowga ku Jira Heshiiska Maddaarka Hargeysa ee Xukuumaddu fool-eryeyso

Xisbiga KULMIYE waxa uu si dhow ula socdaa wararka isa soo taraya ee muujinaya in maamulka Maddaarka Hargeysa lagu wareejinayo shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment, kadib marka heshiis ay la gasho Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Maddaaradu, iyada oo ilaa imika xukuumaddu waxa xog ah oo rasmi ah aan ka soo saarin.

Wararka uu Xisbigu helayaa waxa ay tibaaxayaan in 48-kii saacadood ee u dambeeyay la qaaday tallaabooyin wax lagaga beddelayo maamulka iyo shaqaalaha Madaarka, taas oo muujinaysa in ay socoto dhaqangelin heshiis aan la shaacin oo si hoose loo wado.

Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in loo baahan yahay maalgashi lagu horumarinayo kaabayaasha dalka, waxase lagama maarmaan ah in heshiisyada xukuumaddu galaysaa aahaadaan kuwo u hoggaansama xeerarka dalka, islamarkaana ay faa’iido ugu jirto Qarankan.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 12 faqraddiisa 5aad waxa ay sheegaysaa in xukuumaddu ku tasarrufi karto hantida iyo khayraadka dalka marka ay xeerarka dalka waafaqsan yihiin.

Sidoo kale, Qodobka 53aad farqaddisa 3aad waxa ay qeexaysa heshiisyada caalamiga ah ee siyaasadeed, maaliyadeed iyo nabadgalyo la hor geeyo Golaha Wakiillada ka hor inta aan la dhaqangelin.

Haddaba, maddaarka Hargeysa oo ah astaanta qarannimo il-dhaqaale oo muhiim u ah ganacsiga iyo goob qiimo gaar u leh dalka, Xisbiga Kulmiye waxa uu u arkaa ilaa hadda sida uu heshiiskani u socdo in la qaaday tallaabooyin aan laga fiirsan, balse keliya aad moodo in muhiidda la siinayo dano xaqul-qalin.

Sidaa darteed, heshiiska kasta oo maalgelineed oo xukuumaddu galayso waxa lagama maarmaan ah:
• In uu waafaqsan yahay qodobada Dastuurka JSL.
• In la horgeeyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan.
• In loo soo bandhigo bulshada xog dhammaystiran oo la xidhiidha heshiiska.

Waxa xusid mudan in ay jiraan shaqaale tiradadoodu tahay dhawr boqol oo ka shaqeeya Madaarka Hargeysa oo ilaa imika aan xaaladddoodu aanay caddayn meesha ay ku danbayn doonaan.

Ugu dambayn, Xisbiga KULMIYE waxa uu u soo jeedinayaa xukuummada in ay ka fiirsato in ay gacmo gaar ah (private) oo weliba shirkado Ajinabiya gacanta loo geliyo madaarka Cigaal ee Hargeysa, maadaama hore loo kireeyay Madaarka caalamiga ah ee Berbera.

DHAMMAAD
Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE
Warbaahinta Baraarugnews