Madaxweyne Muuse Biixi oo gaadhay maantà magaalada Burco

0
103

Burco,(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa maanta gaadhay magaalada Burco, waxana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadweynaha halkaas ku dhaqan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isugu jira cuqaal, salaadiin, waayeel, aqoonyahan, haween iyo dhallinyaro, islamarkaana ay hormuud u yihiin madaxda xukuumadda ee gobolka iyo kuwa degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay bulshadii sida diirran usoo dhaweysay, waxana uu ku dheeraaday taariikhda ma guurtada ah ee Burco iyo dadkeeduba ku leeyihiin qarannimada iyo halganka dalka.