- Hargeysa (Baraarugtv.com)- Qaar Kamida qodobada ay isla qaateen iyo Mashaariicday kala saxeexdeen madaxweynaha Somaliland iyo imaaraadka carabtu;
Madaxweyne Dr Abdirahman Cirro wuxuu ogolaaday in uu kor u qaado xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta (UAE) una beddelo “Xidhiidh Istaraatiiji oo Dhameystiran.”
1. UAE waxay kor u qaadi doontaa xafiiskeeda diblomaasiyadeed ee Hargeysa una beddeli doontaa safaarad buuxda.
2. Waxaa la qorsheynayaa in saddex garoon diyaaradeed oo waaweyn laga dhiso Hargeysa, Boorama iyo Burco, si loo xoojiyo isku xidhnaanta gobollada.
3. Waddo tareen oo $3 bilyan ah ayaa laga dhisi doonaa Berbera Corridor, taas oo isku xidhi doonta Somaliland iyo Itoobiya.
4. UAE waxay tababari doontaa 15,000 oo shaqaale ah oo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland, Booliska iyo Sirdoonka.
Sidoo kale, saldhig badeed cusub oo ku yaalla Berbera ayaa howlgeli doona dhawaan,
waxaana wada maamuli doona Ciidamada Badda Somaliland (RSL) iyo UAE.
5. 11 heshiis laba geesood ah iyo 5 heshiis is-afgarad (MOU) ayaa la saxiixay, kuwaas oo daboolaya meelo ay ka mid yihiin ganacsiga, amniga, saadka, bangiyada, beeraha, iyo isdhaafsiga dhaqanka.War-saxaafadeed rasmi ah ayaa lagu soo saari doonaa Khamiista 30-ka Janaayo 2025.
Madaxweyne Cirro ayaa durba xukuumadiisu ku dhaqaaqday xawaare dhaliyey guulo aanay Somaliland gaadhin 7 dii sano ee lasoo dhaafay.
X