- Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Miyaanu Ogayn Deegaanadii Ugu Codka Badnaa Doorashadii Xaalada Qalafsan ee jirta Cashuurtii Umadda Ugu Tumanayaan Caawa Wasiirkii Madaxtooyada Khadar Iyo koox u Magaalada Hargeysa
Saraar,(Baraarugtv.com)-Bulshada Xooladhaqatada ah ee reer Guuraaga ah ee Somaliland,ayaa la daalo dhacaaya Abaaro aad u xooggan oo daran,ayaa ka taagan gobollada bariga Somaliland,Isla markaana Deegaanada ka tirsan Saraar,Sool, Togdheer, iyo Sanaag ka dib markii la waayey roobkii Dayrta oo xilligeedii lagu jiro.
Deegaannadan oo hore Roobka Gu’gu qaarkood aanu helin qaar kalena aanu si fiican u maanshayn ayaa wajahaya xaalad abaareed oo aad u daran kuwaas oo ay ka dhasheen Biyo la’aan, baad la’aan iyo xoolaha oo aad u jilicsan
Dadka reer guuraaga ah ayaa bilaabay in ay u guuraan (hayaamaan) dhul aad u fog fog sida deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo buuraha fog ee gobolka Sanaag. Waxayna adeegsanayaan baabuurta waaweyn ee xamuulka oo lagu daad guraynayo xoolaha jilicsan ee aan geli karin socdaalka aadka u dheer iyo dadka nugul.
Ma jirto gacan ay ka helayaan xagga xukuumadda, haayaddaha gargaarka iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada.
Lacagta xoolaha lagu rarayo ayaa ah mid aad u badan taas oo qofka aan heli karin ku adag in uu la guuro xoolihiisa abaartu ku habsatay si uu ula baadi goobo meel baad iyo biyo laga heli karo.
Xilliga Dayrta oo hadda dabayaaqo ku sii dhowaanaysa iyo xaaladda oo ka sii daraysa ayaa dadka ku haysa cabsi nololeed oo aad u xooggan.
Xukuumadda Somaliland oo si weyn gobolladan looga soo doortay sannadkii hore ayaa la sugayaa tallaabada ay kaga jawaabi doonto abaaraha ka taagan gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer balse ilaa hadda wax gacan ah umay fidin dadka tabaalaysan. Si gaar ah waxa isha loogu hayaa guddida abaaraha ee heer qaran oo iyagu gacanta ku haya arrimaha taakulada iyo taageerada dadka abaaruhu sameeyeen kuwaas ilaa hadda aan wax tallaabo ah ka qaadin arrimaha abaaraha ee ka taagan gobollada bari.
Guddida abaaraha heer qaran waxa hore u soo gaadhay lacago badan iyo kaalmooyin raashin ah balse weli ma muuqato gurmad fiican oo direen.


