Madaxweynaha Somaliland Oo 930 qofdadka la nool Xanuunka HIV/AIDS-ka u qaybiyey Deeq…”

0
38

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS,
Oo uu Hogaaminaya Madaxwaynaha JSL ahna Gudoomiyaha Komishanka Muddane Dr. Cabdiraxmaan Cirro ayaa 930 qof oo ah dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS-ka u qaybiyay Raashin isugu jira Daqiiq, Saliid, Bariis, Sonkor, Caano iyo Timir.

Qaybinta raashinkan oo kusoo beegmaysa xili ay dadkaasi aad ugu baahnaayeen taakulayn iyo isgarab taag dhanka Xukuumada iyo Bulshadaba.

Qaybinta raashinka waxaa sidoo kale qayb ka qaatay Agaaismaha Guud Dr. Mohamoud Abdi Muhumed(Qiyaas), Agaasimaha Dawada iyo Daryeelka, Dr. Khadar Good Nour, iyo Shaqaalaha Komishanka SOLNAC.

Email caarshe7@hotmai.com baraarugnews@gmail.com