Madaxweynaha puntland oo ku eedeeyay burburin madaxweynaha Soomaaliya

0
25

Garoowe,)Baraarugtv.cpm)-Puntland ayaa si adag u cambaareysay tallaabooyinka siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ku eedeeyay in uu si sharci-darro ah u fara-geliyo hannaanka dowlad-dhiska iyo heshiisyadii siyaasadeed ee dalka lagu dhisay tan iyo 2012.

Maamulka ayaa sidoo kale taageeray baaqii ay shalay soo saareen Madasha Samatabixinta, kaas oo ku baaqayay in Madaxweynaha JFS uu xilka ku wareejiyo 15-ka May 2026, isla markaana la qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo waafaqsan dastuurkii KMG.

“Dhaqanka faragelinta iyo kala qaybinta hay’adaha dastuuriga ah wuxuu salka ku hayaa rabitaanno shakhsi ah oo khatar ku ah mustaqbalka dalka, isagoo horseedi kara burbur siyaasadeed iyo amni darro,” ayaa lagu daray bayaan kasoo baxay Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waa in dalka loo gaaro heshiis siyaasadeed oo dhab ah, si looga gudbo xaalada qalafsan ee hadda taagan, ayna u qabsoomaan doorashooyin sharciyeysan.”

Ugu dambeyntii, Puntland waxay ku adkaysatay inay diyaar u tahay wada-shaqeyn siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka iyo heshiisyadii hore, si looga hortago in dalka uu ku laabto mugdi siyaasadeed.