Akhri Khatarta:+Madax-dhaqmeedka beelaha Daarood Ee koonfurta Soomaaliya Oo ku Soo Qul-qulaaya Magaalada Laascaanood & Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maamul-goboleed Ka Samaynayaa Gudaha SomalilandHi
Laascaanood,(Baraarugtv.com)-Madax-dhaqmeed,odayaal,ganacsato,xildhibaano,siyaasiyiin iyo Qurba-joog Ka Soo jeeda beelaha Daarood Ee ku dhawan koonfurta Soomaaliya,ayaa Maanta ilaa shaley ku Soo Qul-qulaaya Magaalada Laascaanood.isla markaana Raysal wasaaraha iyo madaxweynaha dawladda faderaalka Soomaaliya Xamse iyo Xasan Sheekh,ayaa wada in ay Maamul-goboleed ku midaysan yihiin Warsangeli iyo Dhulbahante ah u sameeyaan labadaa beelood.
Warki wuxuu intaa ku darayaa in Weftiyada beelaha daaroodka degan koonfurta Soomaaliya qorshaha ay u yimaadeen ay tahey in maamul-,goboleed dhismo ahaan Ka turjumaaya Goboladda Sanaag iyo Sool ee xuduudaha Dalka Somaliland Ka Soo sameeyaan Maamul-goboleed dawladda faderaalka Soomaaliya ah.
Wefti Beesha Sade Daarood Ee Mareexaan,Sawaqroon iyo Ogaadeen, ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda SSCKH ee Laascaanood ergooyinkan ayaa ka qayb galaya Shirka dhameystirka dowlad dhiska maamul goboleedka SSC-Khaatumo.
Geesta kale, xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro,ayaa daawaneysa ficilada dawladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ka samaynayo gudaha Dalka Somaliland.
Radio Baraarug.Com Warbaahinta Baraarugnews