Khiyaamo Qaran Sirtan Eega:La-taliyaha Ergayga Gaarka Ah Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir Oo Qaab Qarsoodiya Hantidii Wasaarada Duulista Ugu Wareejiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
“Waxaan Doonayaa In Aan Caddeeyo Sida Ay Isugu Xidhan Yihiin Premier Bank Iyo Barnaamijka E-Visa….”Mulkiilaha WorldRemit Ganacsade Ismail Ahmed.
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“1. Waxa muhiim ah in la fahmo in Premier Bank hindisay fikradda e-Visa, imikana hagayo soo ururinta lacagaha iyo dhaqan-gelinta mashruuca. Waxa Premier Bank mashruucan kula jira shirkad la yidhaahdo Empire Tech Solutions (ETS) oo uu leeyahay qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh. ETS waxay ururisaa xogta dadka fiisada dalbada isla markaana waxay qaadataa qayb ka mid ah lacagaha dadka dhoofaya laga qaado.
2. Premier Bank wuxuu ku kacay hab-dhaqan sharci-darrro ah oo ka hor imanaya xeerarka bangiyada iyo nidaamka lacagaha ee waddamada Mareykanka iyo Yurub. Wuxu ku sheegaa lacagaha kaadhka laga goosto in qofka kaadhka lihi uu alaab ku iibsadey, si loo khiyaameeyo Mastercard, Visa iyo bangiyada kaadhadhka bixiya. Looma ogolaadeen Premier Bank haddii uu sheegi lahaa in lacagahaasi u socdaan dowladda Soomaaliya. Qarinta ujeeddada dhabta ah ee lacagtaasi waa khiyaamo isla bangiga laftiisa halis ku ah.
3. Maxaa xal ah? Waxaa muuqata in Premier Bank aanu diyaar u ahayn inuu joojyo mashruucan. Sidaas awgeed, maalinta Isniinta waxaannu qorsheynayaa inaannu soo saarro war-murtiyeed iyo baaq aannu u dirayno hay’adaha ay khuseyso ee waddamada laga soo ururiyo lacagahan, si bangiga looga joojiyo mashuurcan uu ku dheggan yahay.”ayuu yidhi Ganacsade world Remit
Office Hargeysa Somaliland caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com



