Kulanka guddida fulinta KULMIYE iyo Qurbejoogta xisbiga

0
36

Kulanka guddida fulinta KULMIYE iyo Qurbejoogta xisbiga
Hargeysa:03/08/2024(Warbaahinta X. KULMIYE)-Kulan oo ballaadhan oo u dhexeeya guddida fulinta xisbiga KULMIYE oo ay hormuud u yihiin hoggaanka xisbiga iyo Qurbejoogta xisbiga taageerta, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga.
Munaasibaddan oo ay ka qaybgaleen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga, guddida fulinta iyo qurbejoogta xisbiga ee laamaha dibadda, ayaa si furan la isugu xog-waraystay, waxana la isla naaqishay sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xisbiga ee waqtigan, loona diyaarin lahaa qorshihii ay qurbejoogtu qayb ugaga noqon lahaayeen hawlaha dib-u-doorasho ee xisbigu dhawaan waajahayo.
Xubnaha qorbejoogta, ayaa ugu horrayn si qoto dheer uga xogwarramay dedaalka ay xisbiga geliyeen, iyaga oo soo bandhigay aragtiyo iyo qorsheyaal xisbigu guul kaga gaadhi karo doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururrada ee sannadkan dhammaadkiisa qorshaysan.
Xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga oo ay kamid yihiin guddoomiyaha xisbiga, ahan wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ku-xigeenka koowaad, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka labaad, Mudane Axmed Cabdi-dheere iyo kuxigeenka saddexaad, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey aragtiyaha kala duwan ee ay soo jeediyeen qurbejoogta xisbigu, waxana ay si cad u sheegeen inay weelaynayaan talooyinkaas, ka hoggaan ahaana ay ficil u beddeli doonaan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadda kulanka ah soo afmeeray, ayaa qurbejoogta xisbiga ku bogaadiyey dedaalkooda ay xisbiga la garab taagan yihiin, waxana uu sheegay inay mar kastaba qayb ka ahaayeen guulihii kala duwanaa ee xisbigu kasoo hooyey doorashooyinkii uu kasoo qaybgalay.