Madaxweyne Muuse Biixi Oo loogu Baaqey innuu Go’aan Ka Qaato Guddoomiyaha shirkada isgaadhsiinta Telesom &meeqaabka jiritaanka madax-bannaanida Dawladda Somaliland

0
640

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ugaaska Guud Ee reer Somaliland Ugaas Axmed Saleebaan Shide Ilxidh(ugaas Mahiigab),ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqey innuu maamuus iyo doorka kaalinta kor u qaadka jiritaanka qarannimada Somaliland iyo dawladnimada maanta lagu laloonayo ee somaliland ku leeyahey Guddoomiyaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom
C/kariin Maxamed Iid in la ixtiraamo. Ugaas Mahiigaan oo qoraalkan noogu soo diray Iimeelka xafiiska wararka Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa,ayaa u dhignaa sidan.”Anigoo ah Ugaaska guud ee shacabka somaliland Ugaas Axmed Saleebaan shide ilxidh(ugaas mahiigaan),waxaan u soo jeedinayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha shirkada isgaadhsiinta ah ee Telesom Cabdikariin Maxamed Iid iyo dadka kale ee faro ku tiriska ah ee ganacsatada u dhashay Somaliland kaalinta iyo halkay gaadhsiiyeen qadiyada aynu baadi-goobka ugu jirno inaynu helno madax-banaanida somaliland laguma soo koobikaro khalin iyo weedho hadal ah. Runtii gudoomiyaha Telesom Cabdikariin wuxuu ka dhex muuqday loolanka iyo tartankii qaarada afrika oo shakhsigii kaalinta kowaad galay ayuu ahaa. Wuxuu kubada u tartamayey dhanka isgaadhsiinta oo birta u siday magaca dawladnimada somaliland. Xaqiiqdii Guddoomiye Cabdikariin maxamed Iid waa dadka loo baahan yahey in madaxweyne muuse Biixi iyo madaxda kale ee somaliland tilmaaman halganka suuqgeynta ah ee dalkan somaliland caalamka bareen iyo halkey gaadhsiiteen magaceena shacabka somaliland-now. Telesom adeega isgaadhsiinta ee ay bixisaa waxay sababtay in adduun weynuhu barto somaliland waxay tahey. Markaa dadka xigmada iyo hogaamiyeyaasha aqoonta leh way ilaashadan dadka Cabdikariin Maxamed Iid oo kale ah. Madaxweyne Muuse Biixi waxa looga baahan yahey innuu maamuus iyo doorka kaalinta kor u qaadka jiritaanka qarannimada Somaliland iyo dawladnimada maanta lagu laloonayo ee somaliland ku leeyahey Guddoomiyaha shirkada isgaadhsiinta ee Telesom
C/kariin Maxamed Iid inuu ka marqaati kaco shacabkana u sheego weeye.waxaan leeyahey Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqayaa innuu Guddoomiyaha shirkada Telesom iyo ganacsatada yar ee shaksiyaadka ah innay dalkan aan dunida ka mid ka aheyn ama la aqoonsaneyn rafaad iyo dhibaato badan u soo mareen,siday isu-baraan meesha ay ka soo jeedaan iyo siddii uga mid noqon lahaayeen ganacsatada dawladahooda adduunyadu aqoonsan tahey la mid noqdaan,balse nasiib daro iyaga dawladoodii oo adduunku aqoonsaneyn ayey hadana kartida dedaalkoodii ku keeneen inaynu noqono dalalka bulshadoodu hesho isgaadhsiin casriya oo lajaan qaada caalamka. Guddoomiyaha Shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel ee dahabshiil waa in loo fasaxaa xadhiga internaydaka ee feebarobtiga ee doonayaan in bada Somaliland la keeno magaalada Berbera.haddii jaaniskaas u fasixin madaxweynaha dawlada somaliland ka qaado kootada cidda gaarka ah loogu xidhay xadhiga internaydka feebar obtiga narkaa waa in dawlada somaliland ee muuse Biixi madaxda ka yahey ay dhul waa inay siisaa shirkada Telesom.