Komishanka Doorashooyinka oo maanta xaruntooda kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

0
4

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xaruntooda kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL Md. Cali Mareexaan oo wehelinayaan Agaasimaha Guud,Maareeyaha Telefishanka Qaranka iyo Agaasimaha Idaacada Raadyaw Hargeysa.KDQ ayaa waxay Wasiirka la wadaageen Xeerarka Anshaxa iyo Habdhaqanka 77 Xisbiyada/Ururrada Siyaasadda iyo Xeerka Anshaxa Saxaafadda ee Doorashooyinka. Wasiirka ayaa dhankiisa balanqaaday inuu fullin doono mas’uuliyaddaha shaqo ee ay ku waajibiyeen Xeerarka Anshaxa ee Xisbiyada/Ururrada Siyaasadda iyo Saxaafadda.