Madaxweynihii Suuriya Bashar al-Assad Iyo qoyskiisii Dalkee Siiyey magan-gelyo?
Moscow,(BaraarugTV.com)-Cararkii iyo kaba la,aanti uu kaga Baxay dalkiisii Madaxweynihii Suuriya Bashar al-Assad iyo qoyskiisii,ayaa Ka degay dalka Raashiya,isagoo la dejiyey magaalada Moscow ee dalka Ruushka, kadib markii uu magangelyo-siyaasadeed ka helay dalkaasi oo saaxiib dhaw la ahaa mudadii uu xukunka hayey.
Wakaalada wararka ee dalka Ruushka Interfax oo soo xigatay masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada dawladda Ruushka ayaa xaqiijisay warkan ah in madaxweynihii Suuriya iyo qoyskiisii nabadgelyo ay siisay dawladda Ruushka, iyadoo arrintana ku soo beegmayso xili ay ciidamada Mucaaridka Suuriya oo u badan dadka Suniyiinta ahi ay taladii dalkaasi maanta la wareegeen, taas oo soo afjartay xukun qaatay muddo 53 sanno ah oo ay qoyska reer Asad ka talinayeen Suuriya.