Ujeeddada:-Muxuu Daarnaa Shirkii Maanta Dhex-marey Maareeyaha Guud Ee Dekedaha, xeebaha iyo biyaha Badda cas Iyo Ciidamadda Laamaha Amaanka Iyo Saraakiisha Somaliland?

0
46

Ujeeddada:-Muxuu Daarnaa Shikii Maanta Dhex-marey Maareeyaha Guud Ee Dekedaha, xeebaha iyo biyaha Badda cas Iyo Ciidamadda Laamaha Amaanka Iyo Saraakiisha Somaliland?

Berbera,(Baraarugtv.com)-Maareeyaha guud ee Dekedaha iyo biyaha jamhuuriyada Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Maanta shir-Gudoomiyay Kulan ku saabsan xoojinta iyo ilaalinta ammaanka Dekeddaha iyo dhamaan xeebaha iyo biyaha badda Somaliland.
Maareeyaha Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa shirkaa Oo Ka dhacay xarunta dekedda magaalada Berbera ugu horayn warbixin Ka shagaystay laamaaha abniga ee kala duwan ee ciidanka u xilsaarey Dekedaha,xeebaha iyo biyaha badda cas ee dalka Somaliland,isla markaana saraakiisha ayaa halkaas Ka jeediyey,in dhamaan nabadgelyada guud ee xeebaha iyo biyaha Somaliland amaan tahey Oo Maanta tahey meel maraakiibta dunida iskaga goosha mar qudha aaney dhicin wax amaan daro ah Oo biyaha badda cas ee Dekedaha xeebaha iyo biyaha Somaliland.


kulankan ayaa waxa qayb ka ahaa laamaha amaanka iyo saraakiisha Ciidamada amaanka.
sida waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Maareeyaha guud ee Dekedaha jamhuuriyada Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, qoraalkaa Oo Ka Soo Baxay xafiiska Maareeyaha Oo nuqul Ka mid ah Soo gaadhey xafiiska wararka ee warbaahinta Baraarugtv.com,ayaa u dhignaa sidan:-
“Kulan ku saabsan xoojinta iyo ilaalinta ammaanka Dekeddaha, xeebaha iyo biyaha jamhuuriyada Somaliland,gaar ahaan dekedda Berbera ayaanu ku wada qaadanay Xafiiskayga guddida Ammaanka Dekedda Berbera.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa dardar gelinta habka iyo hannaanka loo sugaayo amniga guud ee Dekedda Berbera.
Said Hassan Abdilahi. Said Hassan