–
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah u Dhagax-dhigay Mashruuca Taariikhiga ah ee Horumarinta Beeraha Banka Wajaale. Mashruucan ballaadhan oo aan noociisu hore uga hirgelin Somaliland, waxa fulinaya Hay’adda Horumarineed ee Caalamiga ah ee , qaybyteeda Pharo Ventures.
Ugu horrayn, Madaxweynuhu waxa uu si mug leh ugu mahad naqay cid kasta oo ka qayb qaadatay ama gacan ka geysatay suurto gelinta Mashruucan Taariikhiga ah ee lagu horumarinayo Beeraha Banka Wajaale, isaga oo ku tilmaamay in mashruucani uu yahay kii ugu baaxadda weynaa ee muddo 65 sano ah laga hirgeliyo Degmada Tog Wajaale. Madaxweynuhu waxa uu Mashruucan ku tilmaamay mid Qaran ahaan muhiim u ah horumarinta nolosha iyo wax-soo-saarka bulshada JSL.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay Hay’adda Pharo Foundation iyo maamulkeeda sare, isaga oo ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay Hay’addani ka qaadanayso horumarinta bulshada reer Somaliland, gaar ahaan xagga Waxbarashada, Biyaha, Caafimaadka, Beeraha iwm.
Mashruucani waxa uu astaan u yahay is-beddel dhaxal gal ah oo ay horseed ka tahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, gaar ahaan dhinaca horumarinta beeraha, biyaha iyo deegaanka, isaga oo lagu hirgelin doono qaab casri ah oo kor u qaadaya wax-soo-saarka gudaha, biyo-qabatin waara, iyo habka wax-beerista oo ku dhisan aqoon iyo tignoolajiyada casriga ah.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in mashruucan uu noqonayo tallaabo taariikhi ah oo waddanka u horseedaysa sugnaansho xagga cuntada ah, shaqo-abuur bulsho iyo ilaalinta degaanka; isaga oo hoosta ka xarriiqay taageerada ay Hay’adda Pharo Foundation mar kasta la garab taagan tahay Somaliland.
:
* Horumarinta qaabka casriga ah ee beero-falashada iyo adeegsiga tignoolajiyadda cusub ee beeraha;
* Biyo-qabatin iyo waraab joogto ah oo sannadka oo dhan ah, si loo sugo loona joogteeyo wax-soo-saar la hubo;
* Naaxinta Xoolaha nool, iyada oo la abuuri doono calafka xoolaha oo sugan;
* Ka hortagga nabaad-guurka, carro-guurka iyo xaalufka deegaanka Wajaale;
Mashruucan Banka Wajaale ayaa la filayaa in uu faa’iido dhinacyo badan leh u horseedo kumannaan qoys oo ku nool deegaannada Wajaale iyo nawaaxigeeda, kana mid noqon doona mashaariicda horumarineed ee ugu waxtarka badan leh ee abid laga hirgeliyo Degmada Tog Wajaale.
Iyaguna dhankooda, Agaasimaha Guud ee Fulinta ee Hay’adda Pharo Foundation Mr. Tom Mason iyo Wakiilka Pharo ee Somaliland, Mudane Maxamed Muse Cilmi ayaa Munaasibadda hadallo qiimo leh ka jeediyey, iyaga oo bulshada reer Tog Wajaale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hortiisa uga xaqiijiyey in Hay’adda Pharo Ventures ay si dhab ah u ballanqaadayso gudashada masuuliyadaheeda bulsho, gaar ahaan xoojinta horumarinta wax-soo-saarka beeraha, samaynta biyo-xidheeno waxtar leh, calafka xoolaha, shaqo abuurka bulshada reer Wajaale, iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka ee bulshada deegaanka.
Mas’uuliyiinta Pharo Foundation /Pharo Ventures ayaa hoosta ka xarriiqay in ujeeddada Mashruucan ay tahay in la abuuro nolol waarta oo ku dhisan aqoon, tignoolajiyadda cusub, ilaalinta deegaanka, si dadka reer Wajaale iyo nawaaxigeedu ay u helaan fursado shaqo, biyo ku filan, iyo adeegyo wacan oo waxtar u leh nolosha bulshada.
Munaasibaddan Taariikhiga ah waxa iyaguna hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbal Xaakimka, Wasiirro kala duwan iyo Madax-dhaqameedka deegaanka Wajaale, kuwaasi oo dhammaantood soo dhaweeyey Mashruuca Horumarinta Beeraha Banka Wajaale, iyaga oo Madaxweynaha JSL uga mahad naqay tallaabadan Taariikhiga ah ee uu qaaday. Sidoo kale, waxa ay bulshada reer Wajaale iyo Gobolka Gabiley ugu baaqeen in ay ka faa’iidaystaan fursadaha uu Mashruucani horseedayo.
(),



