Hoggaanka KULMIYE oo kulan la qaatay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada A/dhagax

0
125

Hoggaanka KULMIYE oo kulan la qaatay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada A/dhaga.

Hargeysa/baraarugtv.com/2024 – Xubno ka socda hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta degmada Axmed-dhagax ee caasimadda Hargeysa kulan gaar ah kula qaatay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmadaas iyo masuuliyiintooda

Xubnaha ka socda hoggaanka sare ee xisbiga waxa halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta xisbiga ee degmada Axmed-dhagax iyo taageerayaal tiro badan oo astaamaha xisbiga KULMIYE ku lebbisan, iyada oo sidoo kale lagu soo dhaweeyey gaadiid kala duwan oo lagu soo sharraxay astaamaha xisbiga KULMIYE iyo sawirrada murrashaxiinta jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee KULMIYE.

Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay qaar kamid ah madaxda xisbiga KULMIYE ee degmada Axmed-dhagax, kuwaas oo soo dhaweeyey masuuliyiinta ka socda hoggaanka xisbiga ee soo booqday, waxana ay sheegeen in dadweynaha degmadu u abaabulan yihiin sidii ay codkooda oo midaysan u siin lahaayeen murrashaxiinta u sharraxan xisbiga KULMIYE

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, ayaa dhankiisa dadweynaha reer Axmed-dhagax uga mahadnaqay taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay mid si weyn wax ugu qabtay dadweynaha degmadaas ku dhaqan.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo la hadlay bulshada reer Axmed-dhagax, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo taageerada luxdan ee ka muuqata, waxana uu hoosta ka xarriiqay in xisbigu weligiiba ku tashado cududda dadka degmadaas ku dhaqan.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo madasha soo afmeeray, ayaa bogaadiyey bulshada ku dhaqan degmada Axmed-dhagax, waxana uu sheegay inay caan ku yihiin taageerada KULMIYE, xisbi ahaanna ay mar kasta ku tashadaan taageeradooda.