Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM oo raadinaysa quburo reer Somaliland ah

0
43

Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM oo raadinaysa quburo reer Somaliland ah oo nidaamka E-Visa uga shaqaysa gudaha Hargaysa.

London (Baraarugtv.com)-Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa ku dhawaaqday shaqo muhiim ah oo ku saabsan maamulka iyo horumarinta nidaamyada elektaroonigga ah ee socdaalka Somaliland, iyadoo la doonayo in la xoojiyo MIDAS iyo E-Visa System isagoo la shaqaynaya waaxda socdaalka Somaliland (SIBC).

Booska cusub ee la shaaciyay – Khabiir IT (MIDAS/ICT Consultant) ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xal u noqon kara caqabadaha iyo khilaafka soo baxay sanadihii dambe ee ku saabsan maamulka nidaamka socdaalka iyo E-Visa, kaas oo ay weli ka taagan yihiin isfaham la’aan iyo isku dhac siyaasadeed oo u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee maamulka socdaalka Somaliland iyo DFS.

Khabiirka la qaadan doono ayaa ka shaqayn doona xarunta dhexe ee SIBC ee Hargeysa, isagoo si dhow ula shaqayn doona IOM iyo mas’uuliyiinta socdaalka si loo mideeyo nidaamyada socdaalka, loo sameeyo xarun xog ururin casri ah (Data Center), loona xoojiyo ammaanka iyo isku xirka xarumaha socdaalka ee xuduudaha.

Shaqsigaas ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inuu casriyeeyo nidaamka E-Visa, arrin muddo dheer muran ka taagneyd maadaama Somaliland ay doonayso inay si madax-bannaan u maamusho nidaamkeeda dal-ku-galka halka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkaysanayso in nidaamka socdaalka uu yahay mid qaranku wada leeyahay.

IOM ayaa sheegtay in qorshahan cusub uu yahay mid lagu xalinayo caqabadaha farsamo iyo nidaam ee socdaalka, iyadoo la hubinayo in xogaha socdaalka iyo kuwa muwaadiniintu ay ahaadaan kuwo ammaan ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xog-ilaalinta.

Macada sida Somaliland uga falcelin doonto qorshahaan maadaama dowladu dhexmarsiiday hay’adaha caalamiga ah.