- Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Garyaqaan Guuleed Dafac Waan ku Waafaqsanahay Qodobkaasi “
Sidee looga warbixiyaa dembiyada? Sidee bay tahay in weriyayaashu uga warbixiyaan dembiyada?
Marka dembi dhaco, waxa jira qaab ay tahay in looga warbixiyo oo ka duwan sida looga waramo dhacdooyinka kale ee war. Goobaha warbaahineed ee dunida kale waxa ay inta badan leeyihin suxufi si gaar ah loogu tabobaray oo u qaabilsan dembiyada iyo dacwadaha maxkamadda. Sababtu waxa ay tahay waa arin xaasaasi ah oo ku lug leh xuquuqaha dad kale sida qofka dhibnaha ah iyo qoyskiisa, qofka eedaysanaha ah ee la tuhunsan yahay iyo amaanka guud.
Beryahan, waxa isha warbaahinta Somaliland ay qabatay dembiyada dilka ee Hargeysa ka dhaca. Qaabka looga waramayo waxa uu keeni karaa dhib uu ku keeni karo dhinacyada sare ku xusan oo dhan. Sidaasdarteed, waxa aan kula tallin lahaa madaxda warbaahinta Somaliland inay ka taxadaaraan oo xil gaar ah iska saaran iyo in Ururka Suxufiyiintu uu u qabto suxufiyiinta tabobar gaar ah oo mawduucan ku saabsan.
Waxa qoray Garyaqaan Guuleed Dafac
Email caarshe7@hotmail.com ama baraarugnews@gmail.com