“Haddii Somaliland la aqoonsado, waxay dawladaha reer Galbeedka ka caawin doontaa In Shiinah…”

0
17

US,(Baraarugtv.com)-Diblomaasi Ruug-caddaaga ah  oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Maraykanka,ayaa ku soo biiray loolanka ictiraafka dalka Somaliland,kaasoo Ku Baaqay in Somaliland la Aqoonsado iyo faa,iidada ay u leedahey dalalka reer galbeedka.

Herman Jay “Hank” Cohen, oo ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Afrika ee Mareykanka intii u dhaxaysay 1989 ilaa 1993, ayaa si cad ugu biiray codadka ku baaqaya in Jamhuuriyada Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado.

Cohen, oo ka mid ah diblomaasiyiinta ugu waayo-aragnimada badan ee Mareykanka, waxa uu door muuqda ku lahaa heshiisyo nabadeed oo taariikhi ah oo ka dhacay qaaradda Afrika, sida colaaddii Angola, Mozambique iyo Itoobiya. Waxa uu sidoo kale caan ku yahay inuu yahay “saaxiibka Afrika” maadaama uu kaalin weyn ku lahaa dejinta colaado iyo xalinta khilaafaad badan.

Diblomaasigan rug-caddaaga ah ayaa taageeray hadalkii dhowaan uu jeediyay Senator Ted Cruz, kaas oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan arrinta aqoonsiga Somaliland.

Cohen ayaa yidhi:

“Waxaan xoojinayaa in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda, isla markaana la aqoonsado Somaliland. Haddii Somaliland la aqoonsado, waxa ay dawladaha reer Galbeedku ku caawin doontaa in laga hortago saamaynta sii xoogeysanaysa ee Shiinuhu ku leeyahay gobolka.”

Falanqayn Siyaasadeed: Somaliland iyo Arrimaha Dibadda

Hadalladan ay jeediyeen Cohen iyo Senator Cruz waxay muujinayaan in qadiyadda aqoonsiga Somaliland ay si tartiib tartiib ah uga soo baxayso heer maxalli ah, una gudbayso heer caalami ah.

1. Xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka
Somaliland muddo dheer waxay raadinaysay saaxiib istiraatiiji ah oo reer galbeed ah. Taageerada Mareykanka waxay noqon kartaa albaabka ugu weyn ee aqoonsi rasmi ah. Cohen iyo Cruz waxay si toos ah u tilmaamayaan laba qodob oo istiraatiiji ah:

Somaliland oo ah deegaan xasilloon marka loo eego gobolka.

Khataraha ka imanaya saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha.

2. Saamaynta Shiinaha

Shiinuhu waxa uu xoog ku yeeshay gobolka, gaar ahaan Djibouti oo uu ku leeyahay saldhig militari iyo maalgashi dhaqaale oo ballaadhan. Aqoonsiga Somaliland wuxuu noqon karaa tallaabo Mareykanka iyo reer galbeedku ku dhistaan saaxiib cusub oo muhiim ah, kaas oo xoojin kara istiraatiijiyaddooda badaha iyo marin-biyoodka Bab el-Mandeb.

3. Caqabadaha Siyaasadeed

Inkasta oo codadka taageerada ahi badanayaan, haddana waxaa jira caqabado:

Soomaaliya oo si adag uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland.

Siyaasadda Mareykanka oo mararka qaarkood mudnaanta siisa xasiloonida guud ee gobolka, halkii ay ka taageeri lahayd gooni isu taag cusub.

4. Mustaqbalka Somaliland

Hadalkan Cohen wuxuu Somaliland siinayaa fursad muhiim ah:In ay xoojiso lobi siyaasadeed oo gudaha Washington ah.

In ay dhisto xiriir difaac iyo dhaqaale oo ballaadhan oo la leh reer galbeedka.

In bulshadeedu hesho rajo cusub oo ku saabsan helitaanka aqoonsi caalami ah.

✍️ Shaafici Abdirizak Jam (Shaafici Shiine )Wariye & Falanqeeye Siyaasadeed