Haddaad Ciidankii Teedsanaa Toban Ka Soo Reebtay….Tolkii Kala Dishay,(Muuse Biixi Cabdi),Magacaaga Oo Naga Tirmaan…”

0
61

,”Haddaad Ciidankii Teedsanaa Toban Ka Soo Reebtay….Tolkii Kala Dishay,(Muuse Biixi Cabdi),Magacaaga Oo Naga Tirmaan…

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“GABAY KU SOCDA xisbiga Talada haya ee Somaliland ee KULMIYE

Taariikh la soo maray dib-baa loo temediyaaye,
Saakana warkaan tebinayaa taxane weeyaane,
Tunka naaxyadii baa na helay taariga ahaa,
Hadaad ciidankii teedsanaa toban ka soo reebtay, Ama qaar awood lagula tagey tabar-baa loo waayay, Ama aan halkii ay tageen cidi tilmaamaynin,
Ama toobad seeg-yohow wax badan tarantii aad laysay,
Ama aad tolkii kala dishoo toogta ay badatay
Ama lacagtii aad tuuratoo taajir aad noqotay
Ama tacabkii soomaaliland taabka aad gelisay,
Ama timir agoon ay lahayd tuuga ku idlaysay
Ama tulud lawada maali jiray teendhadaw xidhatay,
Ama talo rag uu Kula lahaa taada ku cayuuqday
Misna aad la soo taagan tahay Keli i taageera
Taahaa baxaayiyo tudhey tawstu waa adiye,
Magacaaga oo Naga tirmaan taala korilayne Tafaraaruqii dhacay ayaan tiicayaa weliye
Tiiraanyadaa shacabku qabo waa mid kugu taale,
Kulmi-yoow inaad Naga tagtaan taar ku dirayaaye,
Tagtadiyo tamiidadu haday wada tasoobayso,
Tartankii lasoo maray hadaad noo tixgelin wayday,
Ragii kuu tanaasulay hadaad tuhun ku laynayso

Oo tawxiidka calankii lahaa aad ku tumanayso,
Anigaa talaabada qaldaye tiir ma
Tigaad laacday adigaa ka dhigay toore iyo boodhe,
Temeshliyo cayaar laguma helin taashka kuu xidhane,Tabtii ini siyaad oo kalaan tooshka ku hayaa,
Sidii maxamed waw tuurayaa oo tolaahiya”.waxa tirisay Abwaanada Kubra Xaji Xasan Xaaji Maxamuud.
12/4/2024