Guddoomiyaha Ururka Rejo Cabddillaahi Dahab Oo Luqay Guddoomiyaha Ururka Barwaaqo Dr. Gaboose

0
221

Ceerigaabo,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha Ururka Rejo Cabddillaahi Dahab Oo Luqay Guddoomiyaha Ururka Barwaaqo Dr. Gaboose Hirdanka urur siyaasadeedyada Somaliland ,sida adag ugu loolamaaya inay ka gudbaan wareega madax taabashada kunka qof oo urur kastaba laga rabo Gobolada dalka,ayaa galay mar-xaladii ugu danbaysay ee wareega madaxtaabashada Gobolada Somaliland.Isla markaana wareegii ugu danbeeyay tartanka ururada oo maanta ka qabsoomay magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo,iyadoo marxaladii ugu dambaysay oo Gobolka Sool loo gudbay,laguna soo gebo-gebaynayo tartanka madaxtaabashada ururadda siyaasada Somaliland oo ku soo dhamaanaya Sool.warbixin kooban haddii waxyar is dultaagno qaar ka mid ah ama ugu cadcad taageerayaasha awood xawli ah ay ku leeyihiin siyaasiyiinta ururadda siyaasadda ee cusub hogaamiyeyaashoodu shacabka ku dhaqan deegaanada iyo gudaha gobolada somaliland.marka la eego Guddoomiyeyaasha kala hogaaminaaya ururada Rejo Cabdillaahi Dahab,maxamuud Xaashi Kaah, Cataash Waberi,Xaglatoosiye Umadda,Barwaaqo Dr Gaboose,Ogaal,Iftiin,Mideeye,Horseed Darawal,ayaa u muuqda in wareegii Goboladda bariga somaliland,gaar ahaan Togdheer ee Burco,sanaag Ceerigaabo oo maanta la isugu awood sheegtay ama la isku maquuniyey taageerayaasha soo bandhigeen ururadu maanta Ceerigaabo.halka qaar ka mid ah ururada ayaa tan iyo gobolada bariga waxay gobolkasta oo madax taabashadu ka bilaamaysaba basas iyo gaadiid ku guraaya kun qof oo geedi iyo galab carow-ba ku jira inay dad ka raraan magaalooyinka waa weyn ee somaliland.haddii aynu is barbar dhigno ururadda Rejo iyo Barwaaqo oo kala hogaaminayaan siyaasi dhalinyarada ah oo markii ugu horaysay hogaamiyey urur siyaasadeed,waa Cabddillaahi Dahab Guddoomiyaha ururka Rejo iyo Dr.Gaboose oo hore ugu guul daraystay ururadii uu qayb ka ahaa ee ugu hadhay dooradhooyinkii ka dhacay somaliland,ayaa wayd hoos u dhac weyn,sidii la filayey meeqaab hoose ka muuqatey taageerada uu ku leeyahey beeshiisa degta Sanaag iyo Togdheerba,halka miisaan taageero xoog iyo awood layaab leh oo filasho loo fadhiyin boqolaal taageero ah soo bandhigay Gobolada bariga somaliland ku harqiyey soo bandhigistii madax taabashada tirrintii Guddida kala reebista ururadda somaliland gaar ahaan awoodiisa taageeradda shacab ee uu ku leeyahey Gobolada Saaxil,Togdheer,sanaag oo maanta uu Guddoomiyaha Ururka Rejo Cabdilĺaahi Dahab soo tubay barxada khayriyadda ugu balaadhan magaalada Ceerigabo,kaasoo ugu awood sheegtay SANAAG guddoomiyaha ururka Barwaaqo Dr.Gaboose oo ka soo wada jeedaan beesha Habaryoonis ee degta gobolka sanaag,isaga iyo gudoomiyaha ururka Rejo Cabdillaahi Dahab ayaa ugu awood sheegtay dhanka deegaanka Sanaag Dr. Dr gaboose oo is waayey maanta ceerigaab. Maxamuud Xaashi Cabdi ee ururka Kaah,ayaa isna waxa uu taageero ka helay dhanka beesha muuse abokor ee habarjeclo oo uu ka soo jeedo Sanaag.guddoomiyaha ururka waberi ayaa isna dab yar shideen maanta ceerigaabo.siddoo kale ururadda iyagu xogta muujinaysa in awood badan oo taageero ku laheyn Goboladda bariga waxa ka mid ah Horseed,Ilaac,Ogaal,mideeye,iftiin iyo qaar kale oo awood,sidaas u badnayn laheyn oo taageero.balse Xabdillaahi Dahab,oo Dr.Gaboose beel ahaan isku yihiin,ayaa waxa boodhka lagu liqay oo lagaga awood batey dhanka beesha Habaryoonis ee gobolada bariga somaliland guddoomiyaha Rejo Cabdillaahi Dahab,ayaa kaga adkaadey Dr Gaboose beesha Garxajis iyo bulshada bariga somaliland.inkastoo Gobolka Sool oo kaliya uu hadhay,laakiin sawirka muuqaal ahaan soo baxay maanta Ceerigaabo,ayaa waxa soo ifbaxay Guddoomiyeyaasha hogaaminaaya ururadda qaar kood ee ka soo jeedda Ceerigaabo iyo bariga somaliland,meeqaabka deegaanadooda bgobolada bariga awood yar oo taageero la,aan ah.Cabdillaahi Dahab,oo ah siyaasi dhalinyaro ah,markii ugu horaysayna hogaan i noqday urur siyaasadeed Rejo ayaa muujiyey awood taageero oo miisaan weyn ku leh shacabka reer Somaliland sawirka muuqaal ee madax taabashada tartanka urur siyaasadeedyadda somaliland.dhawaan ayaanu idin soo gudbin doonaa ururada daaqada ka baxaaya ee hadhaaya ee jarka ka sii ladlaada ama ka dhacaaya kala soco warbaahinta baraarugnews.net