Gooni ayaa loo goostay kkk halkeed joogtaa laga goostay ???

0
9

Hargeysa (Baraarugtv.com)-Marka aanad masuuliyad iyo xal ummadeed aanad ka shaqaynayn ee waxaagu xasarad iyo xumaan yihiin waa iska hadal sidan oo kale !

Fiqi yare waxaad is idhi fariidnimona Uma dhalan fahanka masuuliyadu uu ku magacaaban yahayna ma fahmin , muu garan masuulidan laguu igmaday maxay ku faraysaa.

Tuugow maxaa hilaac kaa Dan ah ? iyadoo maanta madaarkii Muqdisho hoobiye lala dhacayo , iyadoo AS inay la wareegto gacan ku haynta dalkaad wasiirka ka tahay ay cabsideeda leedahay, iyadoo aduunkii idin arkay talo xumaantiina, musuq iyo boob mooye inaan talo kale Muqdosho ka jirin !!!!

Gooni ayaa loo goostay kkk halkeed joogtaa laga goostay ???

Somaliland waxaa la ogyahay cid kasta oo aduunyada maanta ku nooli ogtahay in dad tashaday oo ku nool nabad iyo deganaansho mudo 32 sanadood ah .

Iyadoo hada Madaxweynihii lixaad la doortay dhowaan si xor ah oo xalaal ah ( free and fair elections) , dhamaan isbedaladaasina ku yimaadeen codka shacabka xariirta ah ee reer Somaliland een iyagu cidnaba xumaan la doonayn.

Ma hadal ayaa la wadi , haku maaweelin dadkaa naxliga Shacbiga Somaliland ee dadkaga nabad gelyo iyo horumar la raadi.”

WQ- Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur.