G

0
9

Hargaysa (Xogsoornews.cpm):-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse xasan Yuusuf iyo qaar kamid ah madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Siyaasada oo warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee Komishanka Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in tirinta codadka iyo natiijada doorashada gobolka maroodi jeex ay si nabadgalyo ah ku soo dhamaatay sidoo kale gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Wuxu sheegay in guud ahaan Somaliland ay si nabad galayo ah kusoo dhamaatay.

Gudoomiye Muuse ayaa sheegay in Goobaha codbixinta ee degmada Hargeysa ay aad uga badnayd marka la barbar dhigo degmooyinka kale ee dalka, ayaa waxa ay ka koobnayd 373 goobood taasina ay keentay in wakhtiga tirintoodu uu dheeraado ugu dambeyna la soo gabo gabeeyey sidoo kale Degmada Gabilay ayaa iyana soo dhamaatay labada degmo ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyey ee tirinta codadkoodu ay soo dhamaadaan.

Waxa sidoo kale hore u soo dhamaaday tirinta codadka iyo natiijada gobolada Awdal, Togdheer, Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Saaxil, Sanaag iyo Sool, isla markaana komishaneeradii u qaabilsanaa komishanka Doorashooyinka Qaranku ee goboladaasi ay sheegeen in ay si nabdoon ku soo dhamaadeen.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in hada ay ka soo gudbeen tirinta codadka ee heer goobeed iyo heer Degmo isla markaasi hada wixi ka dambeeya ay gudo gali doonaan heer Gobol iyo heer qaran taas oo sida uu gudoomiyaha komishanku sheegay aan qaadan doonin wakhti badan.

Geesta kale komishanku waxa ay intaas ku dareen in ay weli ku jiraan wakhtigii sharciga ay u haysteen kaas oo uu siiyey Xeer 91, 2023 waxa uu komishanku bulshada Somaliland ku booriyeen in ay komishanka ka war sugaan, waxana ay carabka ku dhufteen in ku dhawaaqista natiijada hordhaca ahi ay u baahan tahay ka fiirsasho badan waa sida uu hadalka u dhigeee

Gabagabadii Gudoomiye Muuse Xasan Yuusuf waxa uu sheegay in hadda wixi ka dambeeya marka ay ku dhawaaqaan Natiijada hordhaca ay ee sharcigu siiyey ay u gudbin doonaan Maxkamada Sare si ay natiijada kama dambaysta ah ugu dhawaaqdo