Hargeysa,(Baraarugtv.com)-‘Xildhibaan Khadar Guruuje oo ka tirsan aqalka Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa qoraalkan oo uu ku faafiyey barta facebuugiisa oo ka soo xigatey qaybta xafiiskeeda Wararka ee magaalada Hargeysa wakaaladaha Baraarugtv.com or Radio Baraarug,ayaa wax macno ah UGA dhigay shacabkareer Somaliland fihiima quuje ayaa igu tidhi keeray iyo keeray.
qoraalka Xildhibaan Guruuje ayaa macno ahaan u dhacaaya in taariikhdii iyo magacii iyo qoimihii ay lahaayeen beesha Isaaq uu diley,burburiyey oo ceebta maanta soo gaadhey Beesha Isaaq uu halkaa dhigay Madaxweynihii Muuse Biixi Cabdi ee Beesha Habar,awal,gaar ahaan Sacad Muuse.Isla markaana taariikhda cusub ee beesha Isaaq maanta tahey in ragoodii dhulbahante ugu xidhan yihiin laascaanood.halka taariikhda hore ee Lixle iyo kood buur oo kala ah ciidagale iyo Habaryoonis geesiyaashii Isaaq ahaayeen,maantana Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo isna ka soo jeeda beeshii Lixle Habaryoonis,gaar ahaan Muuse Cabdale Fahiimey Quujey ragii libaaxyada.”Fihiima Quuje , Shalay iyo maanta ”.Marwo Fahiima Quuje waa inan Soomaaliyeed , marna waa dumaashiday maadaama aan gabadheeda adeer u ahay marna waa inan reer Somaliland ah oo aanu mar isku xisbi ahayn iyo isku siyaasad, maantase aanu kala aragti noqonay , beriyina waa ayaan kale siday noqon Ilaahay ayaa Oge .
Hadaba Fihiimi Quuje , waxaa na dhex maray labba sheeko oo aan is leeyahay waa laba Chapter oo taariikhiya , waa mida koobaade , Fihiima oo ah qof firfir coon oo dhiiran , ayaa maalin ka mid ah maalmaaha lasoo dhaafay waxay iisoo dirtay fariin kooban lkn nuxur ahaan wayn , waxaanay igu tidhi ” Axmadoow reerkiinu taariikh Lixle iyo Koodbuur ka danbaysay oo uu ku faano malleh , maanta ku gunto oo taariikh u samee ” . hadalkaas Fahiima af ahaan ugama jawaabin laakiin kolay ka jawaabay .
Maallintii shalay ahayd , oo aan ka hadlay Waftiga Mogdisho ka imanaya ee Laascaanood kusoo socda , waxay igu tidhi qoraal kooban oo ay barteeda facebook soo dhigtay ” Axmed guruuje weli ma kaftankii ayuu wadaa , miyaanu ogayn in ragga mararka qaar kaftanku ka xidhan yahay Hadalkaa maanta ee Marwo Fahiima Quuje anigu maanta qof ahaan awood aan kaga jawaabo ma lihi , keliya waa uun aan ka garaabayaa in kaftanku maanta iga xidhan yahay , beri se waa maalin kale , waxay noqona Ilaahay ayaa Og .
Ugu danbayn , Fahiima waxaan u gudbinayaa salaan qiime badan , waxaanan u rajaynayaa nolol wanaagsan , Waxaanan kusoo af meerayaa qoraalkayga , waa la isu soo noqon , wixii nool Aduunyadda .
Email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com