Heshiis Khatar Iyo Halis Weyn Ku Leh Maraakiibta Dekedda Berbera Somaliland &Masuuliyiin Xilal Ka Haya Dawladda Somaliland

0
22

London,(Baraarugrv.com)-Dawladdaha Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa heshiis kale oo qarsoodiya la gashey ha,yad ka tirsan Midowga Yurub.Isla markaana qorshahan  dhawaan la gaadhay ayaa ah heshiis lagu dhisaayo laguna qalabaynayo xarun loo bixiyey xarunta Qaran RMCC ee magaaladda Muqdisho.

Heshiiskaa oo dhawaan la saxiixay ayaa la sheegay inay ku  jirto qalabaynta iyo tababarka shaqaalaha dekedaha iyo xidhiidhka Dhanka farsamada ee maraakiibta biyaha badda.

Ha,yadda RMCC, waxay awood u leedahay la socodka maraakiibta ku jira biyaha wixii la isku odhan jiray Soomaali-weyn,isla markaana waxay mar siin kartaa dhamaan maraakiibta

Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa Inay si sharci ugu diidi karto maraakiibta  u raran dekeddaha Berbera ee Somaliland iyo Dekadaha Boosaaso ee Puntland iyo Juband.

Sidoo kale, RMCC, malahan awood ay ku joojiso maraakiibta balse dawladda soomaaliya ujeedada ay ka leedahey heshiiska ay la gashey in markabta ay ku dacwayn karto Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maraakiibta ee UNCLUS iyo SAR Convention.

Dhanka kale,Mareeyaha Dekeddaha Dawladda Somaliland oo lagu magacaabo Cali-yare, oo aanu isku daynay in arrinta wax ka waydiino ee halista ah ayey noo suurta gelin,nasiib daro masuuliyiinta Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro u dhiibay ha,yaddaha kala duwan ee dawladdiisa, ayaa gabi-ahaan ba ah qaar ay adagtahey in Laga helo xafiiskooda iyo Dhanka isgaadhsiinta telifoonkooda gacanta oo ay qabaneyn.

Hase yeeshee,in wariyeyaasha ka hawl-gala warbaahinta madaxa-bannaan ee wakaalada shabakadaha mushkulad weyn ka haysataa xidhiidhka Wasiiraddaha iyo ha,yaddaha kala duwan ee Dawladda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Xubno ka tirsan xafiiska u xilsaaran xidhiidhka warbaahinta gudaha ee u magacaabey Madaxweynaha Somaliland,Cabdiraxmaan Cirro,ayaa sameeyay arrin iska horkeenaysa suxufiyiinta madaxa-bannaan,ka dib markii koox kaliya kooto ugu xidhay oo gacan saar la leh Cabdixakiim oo Dhanka dhaqaalaha loogu talo galey saxaafada ee xafiiska Madaxweynaha  madaxtooyada ah,la  leexsado oo si gaar ah jeebkiisa ugu dhacda,isaga iyo xubno ka tirsan waaxda warbaahinta madaxtooyada Hargeysa U qaabilsan Madaxweynaha xidhiidhka saxaafada, waxa dhici-karta in xog dhan kaliya ah la baahiyo haddii wax Laga qaban,taasoo, wax u dhimi-kara sumacada dawladda uu Hogaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay la baahiyo.Iyadoo Somaliland  khalad taariikhka weyn ee ku dhacday maanta ay tahey  wareejinta maamulka Hawada ee maanta khilaafkiisu cirka isku shareeray ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland,iyadoo halis iyo khatar weyn ay soo socoto xarunta qaran RMCC.

Xidhiidh Email Caarshe7@hotmail.com baraarugnews@gmail.com