Dumarku way ka muran, duryan iyo qaylo badnaayeen ragga, waa

0
320

Hargeysa(baraarugtv.com)-“Sheeko kale: Aad ha iiga qoslin Riyaha qaawan baa idaha ku qoslee

Hal-hays Soomaaliyeed baa yidhaahda Rag waa shaah, dumarna waa sheeko, kaasoo loola jeedo in dumarka ay isku keento sheekadu, halka raggana uu isku keeno shaahu, waagii hore dhinaca nolosha Raggu waxay ku tiirsanaayeen oo ay ahaayeen ugaadhsato ugaadhsada ugaadha duurka joogta, xilliga ay ku halwlan yihiin hawlaha ugaadhsigana may hadli jirin waanay sanqadh-tirasho badnaayeen marka ay gaadayaan ugaadha ku nool keymaha cidlada ah ama xilliyada ay ku jiraan duulaanka ama xilliyada ay dhex-guureynayaan keymaha cidlada ah ee ay ku nool yihiin xayawaanka dugaagta ahi.

Markaa Raggu may jeclayn hadalka badan ama in ay maqlaan dhawaaqa codka-dheer leh, sababtoo ah, waxa raad ku yeeshay ugaadh ka diday iyagoo hadlaya.

Waagii danbe raggu waxay af-gambiyeen dumarkii, waxaannay noqdeen kuwo hadla oo khasab lagu dhageysto, iyagoo adeegsanaya muruqyadii ku dhismay eryashada ugaadha ka caymadda iyo wer-werka carashadii kayntii cabsida badneyd ee ay ku jireen, ayey raggu ku noqdeen kuwa mareegaha war-baahinta muuqaal araga iyo baraha bulshada ka tororogleeya ama qoraallo aan munaasib ahayn ku qora, dumarkiina waxay noqdeen kuwo aamusay oo loo hadlo.

Dumarku muddo dheer ayey dhoosha ka qosli jireen agnaannimada nimanka isku laylinaya hadal barashada ee lagu baahiyo baraha bulshada iyo mareegaha war-baahinta muuqaal araga.

Dumarku way ka muran, duryan iyo qaylo badnaayeen ragga, waa ta dhalisay in dumarku hodan ku yihiin xidhiidhka hadalka iyo war-celinta deg-dega ah, sababtoo ah waqtigoodii ugu badnaa waxay ku soo qaateen, iyagoo adeegsanaya hees hawleedyo ay iskaga biiyaan daalka xilliga ay ku guda jiraan hawlaha qadhaabka midhaha geedaha leh, soohidda xadhkaha, xiggeysiga, sameynta agabka aqal-Soomaaliga, hoggeynta, culidda dhiilaha, lulidda dhiisha caannaha, midho ku tumidda mooyaha, kala haadinta midhaha iyo buushaha, halka duryanka, durbaanka iyo sawaxankana ay kaga illaalin jireen barada dhalaanku u joogaan in aanay u soo dhawaanin duggaagtu.

Ragguna muddo dheer ayey hoosta ka ooyi jireen oo ay ka murugoon jireen markay arkaan dumarkoodii oo muruqooda maalaya, ama ugaadh ka diday dumar ugaadhsato ah oo ka duryama keymaha duur-joogta ah, kuwo ka cabsanaya keymaha cidladda ah iyo dayaca ka muuqda dhalaankii aqalka ay kaga yimaadeen.

Markaa Dumarku ma’ jecla inay ugaadhsadaan ugaadha joogta keymaha cidlada ah, sababtoo ah, waxa raad ku yeeshay dhalaan ka dayacmay iyagoo ku maqan ugaadh ka diday.

MFQoti