Hargeysa(Baraarugtv.com)-Diiwaanka Hadimooyinka 100 cisho.
Talaabaddii ugu horaysay ee Dastuuriga ahayd ee Madaxweyne C/raxmaan Cirro qaaday waxay ahayd in uu Saamaxay Liibaan iyo koox xukunayd oo ay Maxkamadaha Gobolka iyo Rafcaanku ku heleen danbiyo Amni daro oo ay ku mutaysteen xukun min shan sanno ah.
Liibaan iyo kooxdiisa sababta uu Madaxweyne Cirro u cafiyey lama sheegin oo waa la qariyey, Cafiskoodana Madaxweyne Cirro kama uu badheedhin in uu gaar u cafiyee wuxuu ku dhex qariyey Maxaabiis farabadan oo kooxdaas dartood u dhex raaciyey.
Go’aankaas Madaxweyne Cirro waxa kali ah ee uu u qaatay waxay ahayd kooxdaasi inay ku shaqaynayeen doonistiisa oo ahayd in uu Kursiga Madaxweyna nimo ku fuulo Gar iyo Gardaraba, waa nay u suurtogaliyeen Liibaan iyo kooxdiisu.
Waa Taariikh mahadho ah oo Diiwaanka u gashay Madaxweyne C/raxmaan Cirro in uu awoodiisu Dastuuriga ahayd u sad qeeyo Geesiyaashii Naf iyo Maal ba dul dhigay balse taas bedelkeeda marna umuu tudhin Qaranka oo soddon sanno ku dhawaadka dheeftiisa iyo xilkiisa ba ku tasarufayey ee uu Dhaaraha dhawrka ah u maray.
“Dameertu xoolaha ha didisee khuurada ayey kaga dartay” maanta waa Ayaankood Liibaan iyo kooxdiisu hagardaamooyinkay Qaranka ay u gaysteen haddii ay ku heleen Cafis iyo inay Dalka u maleegaan qorshayaashii Qaran jabkaa ahaa ee ay Guusha ku gaadhsiiyeen Madaxweyne C/raxmaan Cirro iyo Isbahaysigii Wadani iyo Kaah.
Talaabooyinka ay Dalkaku wadaan Liibaan iyo Kooxdiisu ee ay ku faragalinayaan hay’adihii Amniga gaar ahaan Booliiska ee uu ku kormeerayo Saldhigyadii Degmooyinka ay hayb ahaan ka soo jeedaan ee xukuumadihii hore dhiseen ee sida jees jeeska uu kamaradaha isaga soo duubayo iyadoo lagu tiiq tiiq sanayo inaan degmooyinkaas waxba loo qaban.
Waa ayaankood Liibaan iyo kooxdiisu inay ayaamaha yar ee socda ay ku tagtifalaan awoodii Qaranka ee adeerkood hantiyey, Madaxweyne C/raxmaan Cirro na waa Dhito uu dhigtay maalmaha soo socda ee la is barbar dhigi doono wuxuu kharibo iyo wuxuu wanaajiyey muddo xileedkiisa.
Isbedeloow Magacaa!!!
@Maxamud Xuuto