Dawladdaha Shiinaha Iyo Soomaaliya Oo Qorshaynaaya Inay Gudaha Somaliland Ka Sameeyan Jabhado Lagu Bururiyo Amaanka

0
8

Digniin Khatar iyo Halis Ah &Dawladdaha Shiinaha Iyo Soomaaliya Oo Qorshaynaaya Inay Gudaha Somaliland Ka Sameeyan Jabhado Lagu Bururiyo Amaanka

China,(Baraarugtv.com)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Barre, ayaa u socdaalaya dalka Shiinaha, kadib markii uu dhowr jeer bishii u dambeysay la kulmay safiirka Shiinaha, xilli Taiwan ay xoojisay xidhiidhka ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Mareykanka oo isha ku haya aqoonsi dib-u-cusbooneysiin ah iyo saldhig ciidan oo Berbera ah.
Qaar ka mid ah Falanqeeyayaasha adduunka ka mid ah, waxay ka digayaan in Soomaaliya iyo Shiinuhu ay si khaldan u adeegsadaan siyaasadda.“Hal Soomaaliya Siyaasaddan Shiinaha wuxuu helayaa marmarsiiyo uu ku maalgeliyo, kuna hubeeyo maleeshiyaad gudaha Somaliland. halka Soomaaliya ay siineyso dabool siyaasadeed, iyadoo maleeshiyada qabiilka loogu yeedhayo “gobol federaal cusub ah” oo hal magaalo laga sameeyay. Arrintan ayaa ah qorshe si ula kac ah loogu wiiqayo madax-bannaanida Somaliland.

  1. Siyaasadda “Hal Soomaaliya” waxaa markii ugu horreysay soo bandhigtay Hillary Clinton sanadkii 2013, taas oo Soomaaliya fashilantay u aqoonsatay wakiilka keliya ee gobolka.
    Falaqeeyeyayaasha ku doodaya in siyaasaddan ay u adeegsadeen Soomaaliya iyo Shiinaha in lagu wiiqo dalka Somaliland, iyadoo Beijing ay ku kasbatay awood istaraatiiji ah, isla markaana ay iyadu go’aamiso jihada lagu fulinayo ,sidii loo wiiqi lahaa jiritaanka somaliland.
    Radio Baraarug.Com Warbaahinta Baraarugnews