Muqdishi,(Baraarugtv com)-ayaa goordhow ku dhawaaqay in dagaal lagu dilay Abwaan Nageeye Cali Khliif oo dhowaan uun ku biiray kooxda Al-Shabaab, kadib markii uu iska dhiibay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Sida uu sheegay Daa’uud Xaaji Cirro, oo ah afhayeenka madaxweynaha HirShabeelle, oo qoraal soo saaray Abwaan Nageeye iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Afhayeenka ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Nageeye oo horay uga tegay Muqdisho uu qayb ka ahaa xubno weerar soo qaaday, balse ugu dambeyn lagu dilay isla goobta.
“Khawaarijkii Abwaan Nageeye ahaa waxa ku cibaadeystay geesiyaasha qaranka, waxa uuna ku ruux baxay degmada Alkowsar,” ayuu yiri Daa’uud Xaaji Cirro.
Ma jiro war madax-bannaan Oo xaqiijin karto sheegashada HirShabeelle in la dilay Abwaan Nageeye.
Dhinaca kale dagaalka oo cuslaa ayaa lasoo wariyay inuu soo gaaray illaa duhurnimadii maanta, wuxuuna u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubno badan laga dilay Al-Shabaab, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada maydad la sheegay inay ka carareen.
Xaaladda Alkowsar ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay ka socdaan howlgallo culus.
Deegaannada HirShabeelle ayaa haatan ka curtay kacdoon cusub oo looga hortegayo soo laba kacleynta Al-Shabaab, oo dooneysa inay dib u qabsato gobolkaasi.
Xigasho Caasimada online.