Dawladda Pakistan Oo daaha Ka qaadey in ay burburisay difaacii Hindiya

0
13

Pakistan (Baraarugtv com)-Milatariga Pakistan ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ku xaqiijiyay howlgal ay fulisay diyaaradda JF-17 Thunder oo ay si wadajir ah u sameeyeen Shiinaha iyo Pakistan , in lagu burburiyay mid ka mid ah nidaamyada difaaci adduunka ugu wanaagsan ee S-400 oo Ruushka uu soo saaro, kaasoo Hindiya ugu fadhiya 1.6 bilyan oo dollar , waana kan kaliya ee ugu sarreeya nidaamka difaaca ee ay heysato Hindiya iyo xataa Ruushka, sheegashadan waxaa ka horyimid afhayeen u hadlay ciidanka Hindiya oo sheegtay inaysan jirin warka Pakistan ay ku sheegatay burburinta nidaamka difaac ee S-400 , balse waxyar ka hor wakaaladda wararka Pakistan ee APP, ayaa sheegtay inay ciidanka cirka Pakistan gacanta ku hayaan caddeymo ku fulin burburinta nidaamka S-400.

Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua oo u muuqata inay ku qanceen sheegashada ciidanka Pakistan ee burburinta nidaamka S-400 , ayaa dhankeeda sheegtay in howlgalka nidaamkan lagu burburiyay uu ka dhacay saldhig ku yaalla magaalada Jalandhar, gobolka Punjab ee Hindiya.

Fiiro gaar ah;

Haddii ay Pakistan xaqiijiso inay burburisay nidaamka S-400 , waa fadeexadii u sarreysa ee gaaraysa Hindiya iyo Ruushka.