Dawladda Maraykanka oo sheegay in xaaladda Somalia ay tahey mid khatar iyo halis amniga

0
21

Maraykanka (Baraarugtv.com)-Dawladda Maraykanka oo sheegay in xaaladda Somalia ay weli tahay mid khatar oo halis ku ah amniga Mareykanka iyo siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in hal sano oo kale la kordhiyay xaaladda degdegga ah ee saaran Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Trump uu amar fulineed oo sumadiisu tahay 13536 ku saxeexay 08/04/2025.

Arrintan ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay sanadkii 2010, iyadoo la sheegay in Soomaaliya ay weli khatar ku tahay amniga Mareykanka iyo siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in sababta loo kordhiyey mudada xaaladdan degdegga ah ay tahay: “Amni darrada, rabshadaha, budhcad badeedda, iyo dhaqaalaha ay weli ka helayso kooxda AS, dhoofinta dhuxusha ay halis weyn ku tahay gobolka iyo Mareykankaba.”