Dalalka Uk,Kanada iyo Ustareeliya oo aqoonsadey Falastiin &Xanaaqii Maraykanka

0
39

Boqortooyada Ingiriiska, Canada iyo Australia ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u aqoonsadeen dalka Falastiin.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, ayaa mar dhawayd si rasmi ah ugu dhawaaqay in dawladda UK ay dal madaxbannaan u aqoonsatay dalka Falastiin, taasi oo guul weyn oo diblomaasiyadeed u ah dadweynaha reer Falastiin ee ay dhulkooda xoogga ku haysato Israa’iil.

Ra’iil-wasaaraha UK ayaa markii uu go’aankan ku dhawaaqay, waxa uu sheegay in xalka qudha ee nabad waarta lagaga dhalin karo Bariga Dhexe uu yahay in Falastiin iyo Israa’iil ay noqdaan laba dal oo kala madaxbannaan, jaarna ah.

Dalal badan oo ka mid ah wadamada reer Galbeedka ayaa iyaguna la filayaa inay ku dhawaaqaan aqoonsiga Falastiin, taasi oo si weyn uga cadhaysiisay Maraykanka.