Dagaal Laga Cabsi Qabo Innuu Ka Dhex-dhaco Dawladdaha Itoobiya Iyo Iriteriya &Muuqaalo Iyo Sawiro Laga Duubay Militeriga Labada Dal
Itoobiya,(Baraarugtv.com)-Dagaal laga cabsi qabo in dagaal ka dhex-qarxo dalalka Itoobiya iyo Iriteriya.
Xiisad diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaysa ayaa ka dhex curatey Itoobiya iyo Ereteriya,Isla markaana labada dal ayaa is-weydaarsanaaya eedeymo kulul oo sare u qaaday cabsi laga qabo in iska hor imaad gacan ka hadal militari ah oo laba dhinac ah ka dhex-bilaamo.
Muqaallo iyo sawirro laga helay xadka ayaa muujinaaya dhaq-dhaqaaqyo ciidamo oo ay ka mid yihiin iibsiga hubka, xoojinta cutubyada milatariga, iyo ciidamada oo la dejinayo jiidaha hore ee xaduudka ka wadaagan labada dawladood ee Itoobiya iyo Iriteriya ku daabulayaan todobaadyadii ugu dambeeyay ee bishan aynu ku jirno.
Qaar ka mid ah dadka ka hadla arrimaha Afrika,ayaa ka digaaya in tallaabooyinkan isbiirsaday ay gobolka gelin karaan marxalad xasaasi ah qalalaase cusub oo la dhaca Geeska Afrika.
Hase yeeshee,Wararka gudaha ee gobolka ayaa tilmaamaya in Ereteriya ay sii xoojisay xidhiidhkeeda militari ee Masar, isla markaana ay hub ku taageertay qaar ka mid ah qowmiyadaha ka soo horjeeda xukuumadda Raysal,wasaare Abiy Ahmed.
Warbaahinta Baraarugnews



