Ciidanka Masar Si Buuxda Ugu Diyaar Garoobeen Dagaal.Waxaanu Gaynay Jasiirada Hubka..”

0
33

Hargeysa,(Baraarugtv.com)Madaxweynaha Masar ayaa markii ugu horreysay si cad ISR ugu tilmaamay “cadow”, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la beddelo aragtida uu qabo cadowgu.

Tani waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Masaari uu ISR u isticmaalo erayga “cadow” tan iyo booqashadii uu Madaxweyne Anwar Sadat ku tegay magaalada la haysto ee Qudus 11-kii Noofambar 1977. Wixii maalintaas ka dambeeyay, ma dhicin in mas’uul sare oo Masri ah uu si cad ISR ugu tilmaamo cadow.

Ka dib hadalka Madaxweynaha Masar warbixino saxaafadeed ayaa daaha ka qaaday in Masar ay geysay goobo istaraatiiji ah oo ku yaala jasiirad lamooda Siinaay nidaamyada difaaca fog ee hawada ee HQ-9B oo ah nidaamyo casri ah oo Shiinuhu farsameeyay, waxayna taasi ISR ku dhalisay walaac cusub iyadoo laga cabsi qabo in xiisadda gobolka ay sii korodho.

Wasiirka Gaashaandhigga Masar, ayaa dhawaan sheegay in ciidanka Masar ay si buuxda ugu diyaar garoobeen dagaal, isagoo ka digay isku day kasta oo lagu wiiqayo xuduudaha Masar inuu keeni doono in dunidu ay la yaabto awoodda dhabta ah ee Masar.

Talaabada ay Masar ku geysay nidaamyada difaaca ee HQ-9B gudaha gacanka Siinaay oo kasoo horjeeda qodob kamid ah heshiiskii Camp David waxay direysaa fariin cad oo ah in Masar ay diyaar u tahay khatar kasta isla markaana ay leedahay awood ciidan oo ay ku celin karto hanjabaad kasta oo kaga timaada dhanka ISR ama meel kale.

Nidaamka HQ-9B, oo ah kii ugu dambeeyay ee Shiinuhu horumariyo, wuxuu leeyahay awood uu ku gaadhi karo masaafo dhan 200km, wuxuuna soo ridi karaa diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ballistic-ka ee la hago. waxaana ku rakiban raadaar casri ah oo lagu ogaan karo bartilmaameedyo ilaa 300km ah, waana nidaamka aan xataa lagu sameyn karin khalkhal galin elektaroonig ah.

Sanadihii u dambeeyay, ciidamada Masar waxay aad u xoojiyay joogitaankooda waqooyiga Siinaay, iyagoo halkaas geeyay kumaannaan askari iyo gaadiid dagaal oo culus, iyadoo ISR ay walaac ka muujisay hubeynta iyo casriyeynta ciidamad