Ceerigaabo Waxay Aheyd Gobol ka Tirsan Togdheer

0
2

Gudoomiyaha gobolka sanaag”.

Gobolka la yidhaahdo Sanaag wixii ka horeeyey 1974 wuxuu ahaan jirey degmo ka tirsan gobolka Togdheer taas oo ahayd degmada Ceergaabo, gobolka Togdheer waxa uu ka koobnaa Degmooyinka Burco, Oodwayne, Buuhoodle, Ceergaabo iyo Laascaanood.

Degmada ceergaabo 1960 waxay lahayd 5 kursi oo ka tirsan golaha baarlamaanka kuwaas oo degmo doorashooyinkoodu ahaayeen Xiis , Ceel afwayn, Ceergaabo, Jiidali iyo Badhan .

Hadaba 1974 markii la magacaabey gobolka sanaag waxaa laga dhigay 3 degmo oo kala ah degmada Ceergaabo , degmada Gar adag iyo degmada Badhan( Laasqoray ) .

Degmada gar adag waxaa ka badaley xaruntii degmada gudoomiyihii gobolka sanaag ee ugu horeeyey Cadde muuse boqor isagoo u raray ceel afwayn .

Dhinaca kale degmada Badhan ( laasqorey) waxay ahayd degmo xiliyeed ( seasonal district) taas oo maamulku uu waqtiga qaboobaha joogi jirey laasqorey

xiliga xagaagana uu usoo wareegi jirey Badhan maadaama xeebta laga soo xagaa bixi jirey.

Si kastaba ha ahaatee dawlada Somaliland ayaa go’aamisay in Degmooyinka gobolka Sanaag ay noqdaan Gar adag ,ceel afwayn, laasqorey, dhahar ,Badhan iyo ceergaabo iyadoo degmadii Badhan laasqorey u kala qaaday laba degmo ,dhahar na u magacowday degmo cusub, gar adagna dib ugu soo celisay degmo nimadii .

Sidaa markey tahey Degmooyinka bariga sanaag ee kala ah Badhan, laasqorey iyo dhahar waxaa mar kale Somaliland u magacowday gobol ,gobol kaas oo la yidhaahdo maakhir ,xaruntiisuna tahey magaalada Badhan.

Sidaas darteed gobolkii sanaag waxaa kusoo hadhey Degmooyinka ceergaabo, ceel afwayn iyo gar adag ,waxa kale oo jirta in beesha dhulbahante ay ka maqan tahey xayndaabka .

Sidaas markey tahey Gudoomiyaha gobolka sanaag waxaa leh beesha habar jeclo, Nabad gelyada, wada jirka iyo cadaaladuna Sidaas ayay ku jirtaa .

Xukuumada waxaa la gudboon in gobolka maakhir maamulkiisa ay dhaqaajiso oo ka shaqaysiiso ,gudoomiyaha gobolka sanaag habar jeclo aan loogu tegin qofkii la doono xukuumadu ha u xulatee .

Allow eex ma tiraabine

Aqoon ha igu cadaabin .xildhiban Guruuje