Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Arrinta Ex Madaxweyne Muuse Biixi iyo Anigu May ahayn wax shakhsi ah oo aan Anigu ka rabay Isaga..!” Huda Ali Baanfas
“5. Bishii July, 2020 ayaan u tagay Madaxweyne Cabdirahmaan Cirro oo markaa Guddoomiyaha Waddani ahaa waan u sheegay waxa nagu dhacay! iyo cabashada aan ka qabno Ninkii dalka u sareeyay…” Huda Ali Baanfas
Waxay ahayd mashruucii tabaruca ahaa ee daryeelka Xayawaanka! Oo Isaga iyo koox u shaqaynaysay doonayeen inay dalka ka dhoofiyaan oo ka iibiyaan Nin Ingiriis ah oo la yidhaa Xil. Zac Goldsmith! 8 Harimacad oo dad Lagu xidhay! Muuse iyo Anigu waxaanu isku haysanay shaqada Waaxda Duurjoogta ee Wasaarada Deegaanka! Waxa uu ahaa Ninka arrin waax wasaaradeed qabato isku mashquulinayay ee ku dagaalamayay! Muxuu isagu igula dagaalamayay?
Wuxuu rabay inuu boobo Xayawaanka oo Ninka ingiriis siiyo, lacag Lagu sheegayay (9 million) iyo Sheeko markii dambe la Matalay oo ahayd Somaliland ahaan waxaanu idiin dhisi doonaa Seero weyn! Dabcan Waa Marka Horta aad Harimacadka dhiibtaan!.Anigu maxaan u dagaalamayay April 2019- ilaa April 2021? Waxaan u dagaalamayay oo madaxweynaha, Wiilkiisa Maxamed Muuse , laba Wiil ee uu Abtiga u yahay, Abdiqafar , Iyo Ciise Wiilka uu soddoga u yahay, Mustafe Gacmadheere Tolka Ragg waaweyn oo ah ( Boobe, Nuux Taani , Cabdilaahi Aboker, Dr.Bulxan, Nasir Maxamed Cali ….) u sheegay inaanu Madaxweymuhu Arrinta ku ceeboobin waayo dad baa u xidhan oo Lagu qabtay Harimacadka, Xeer baa jira, dad badan oo Ninka Jarmalka u horeeyay oo Arrinta Xayawaanka Nafta u horey baa jooga, laba jaamacadalood oo Yurub ah baa jooga oo caafimaadka Xayawaanka inaga caawiya!.
Anigaa badan kooda kusoo dagaalamay oo dadkeena kasoo uririyay oo ilaa Masagan, iyo Dhoob tagay, oo meelaha qaar nalagu soo rasaaseeyay! Ninkii Saxane Waa kii Ninkii Jarmalka ahaa ee hawsha ba si mutadawacnimoda ahaa ku bilaabay 2011! ee howsha ba inoo waday dalka ka saaray! si uu Ina Biixi Hawsha ugu fududaato! Waatii 2 sanno aan deerada, cawsha,Harimacadka, Guduudanaha iyo Gorgorada aan la noolaa! ee hawshaasi igu soo baxsatay! Xata masuuliyada quudintooda mudane Biixi xil iskamu saarin! Ma og tihiin cid soo biilinaysay? Ninkii uu dalka ka eryay ayaa soo bixinayay! Ilayn Isaga Xayawaanka ka naxayee. Maxaa Aniga iga soo gaadhay arrinkaa 1. In Maalintii 1dii October 2019 ee Ninka Jarmalka ah dalka laga Saarayay si dhoofka Harimacadka loo fududaysto in aan immigrition u iman, Wasaarada arrimaha dibada la soo marin wax warqad ah ama qoraal Haayadda dawlahi ah kasoo bixin balse Aniga Sirdoonka ila soo hadleen!bal sawiro ina Muuse oo Sirdoon u adeegsanaya Ina Cali BANFAS?
2. In aan Arrinta Anigu madaxweynaha kala hadlay May,2019 iyadoo goobjoog leh! 3. In Xafiiskii kale ee aan ka shaqeysanay ( GIZ ) ee aan mushaharkaa aan ku noolaa ka qaadanayay koox igula dhex dagaalanto si Haayada contract Kayga u soo gabagabayso weyna dhacday! waxa la rabay Waxay ahayd inaan cidhiidhi dareemo oo aan isu soo dhiibo, Laakin Waxay ilowsanaayeen inay I dhaleen laba aan is dhiibi jirin! Ma Aniga oo Somaliland oo Xor ah jooga Ayaan Madaxweyne cod ku yimid uga baqdaa wax xaq ah ? Iyadoo Siyaad Barre looga baqan waayay xaqa! 4. In xataa koox abaabulan ay dooneen inay kiiska duwaan oo ka dhigaan wax shakhsi ama oo kolba waxyaalo laf jab oo aan jirin lay saaro si aan uga gubto oo ay iiga leexiyaan waxa rasmiga ah ee laysku hayo! Laakin maan sameyn, Waxay ii ahayd habeeno madow,fakar iyo runtii cidhiidhi badan.
5. Bishii July, 2020 ayaan u tagay Madaxweyne Cabdirahmaan Cirro oo markaa Guddoomiyaha Waddani ahaa waan u sheegay waxa nagu dhacay! iyo cabashada aan ka qabno Ninkii dalka u sareeyay! 6. Waxaan ku dhiiraday inaan mar kale la kulmay Madaxweyne Biixi oo xal uga doono balse wuu igu soo gacan saydhay September 2020! Maalintii waxyaalihii uu ina Biixi igu yidhi Waxay ahaayeen wax yaab badan! 7. Waxaan la kulmay september 2020 Mudane Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xassan oo aan la wadaagay waxa I haysta iyo dhibka arrintaa ka taagan! 6. Saddex sanno markii Arrintu socotay ayaa Ilaahay arrintii dhinac kale u rogay! Qaar ka mid ah Harimacadkiii ayuu Xanuun ku dhacay! qoladi doonaysay baa markii ay arkeen ayay Isaga yaaceen meesha, mashruciii baa kala kacay!.
2021 ayaan hadana la xidhiidhay Mubarak Taani oo aan ku idhi ee balami Xaajigii Xayawaankan uu dadkii hayay ka eryaday ee uu igu daawanayo ha qaatee! Dee markii aan u tagay oo ahayd markii 3aad maalin Ramadan ahayd April 2021 Ayaan ku idhi kaalay soo guro mayeedhaanka aad ku aargoosanayso in lagugu yidhi haynaga dhoofin ee aynu haysano! Markas uu aqbalay inaan sii shaqeyn karno laakiin Waxay ahayd mar wax kasta burbureen!!! Aniga Muuse Biixi waxa uu u haystay inuu Cigaal I marinayo maadaama aan kasoo horjeestay doonistiisii, balse aniga Bilado ayuu ugu tolay waayo Waxaan is weydiin jirey “ Imika ma Madaxweynihii Dalian dhan baa wakhti u helaya inuu kula ficiltamo? “ Halgankaygu inuu wax Wii-mote leh ahaa bay I tusaysay. Waxaan u sheegayaa kooxda doonaysa ina Biixi Qof aanu ahayn inay ka dhigaan isaga doortay Qof ka uu yahay iyo go’aamadiisa! Bishii september 2020 markaan la kulmay waxa uu afkiisa igaga yidhi “ Adeer Taariikhda Waxaan ku galayo dan Kama lihi” Anna Waxaan ku idhi Mudane Madaxweyne Anigaa Taariikhda Waxaan ku galay dan ka leh waayo waxan aynu isku haynaa maaha wax aan ku leeyahay isii ee Waa wax dalku leeyahay!!! Markaa walaalayaal Taariikh how baadhbaadhina He is proud of himself!
Waxa Qortay : Huda Ali Banfas.
Nagu_Soo_Biir Shabakada Cimilonews