“Wasiir i sii Qandaraaska Diwaan gelinta Ciidanka”

0
19

Aw Geed ahaa Xuuto ahaa aan kuu waramee Anigu waxaan u tagay Wasiirka GaashaanDhiga ee Dawlada Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro waxaanan ku idhi “Wasiir i sii Qandaraaska Diwaan gelinta Ciidanka”
Wuxuu igu yidhi “Dawladu lacag ma hayso oo waxaanu doonaynaa in aanu Ciidanka ku diwaan gelino nidaam very cheap ah oo aanay ku bixin lacag buurani.

Maxamed Siyaad Barre ( Ina Xaaji Nirig) malaha magaca ayaad ka baqataye. wuxuu ka mid yahay sadexda qof ee Soomaalida oo dhan ugu xariifsan Cilmiga IT.ga.
Mudo saacad ka yar ayuu sameeyay programka lagu diwaan gelinaayo Ciidanka.

Qandaraasku ma aha Qandaraaskaad mooday, ma aha kuwii sanadaha badan lagu dhacaayay lacagaha Malaayinka Dollar ah, wuxuu ahaa Qandaraas socday wax saacad ka yar oo ay Aqooni ka adeegtay!!.

Intaad ka hadlayso Qandaraaska saacada lagula kala wareegay waxaad ka hadashaa, maxaa Ciidanka 34 Sano jiray imika keenay in la diwaan geliyo?
Jawaabtu waa in meesha laga saarayo Tuugadii iyo Musuqmaasuqii Ciidanka dhexdiisa daadsanaa
10000 oo Askari oo aan jirin oo lagu qaadan jiray Mushahar iyo Raashin.

Iyadoo kooban dalka waa la horumarinayaa, wixii la soo marayna waa laga maydhanayaa!!