“Caawa waa habeen ay Jamhuuriyadda Somaliland Aqoonsi ka heshay 35 dawladood oo “. Madaxweyne Cirro
Hargaysa (Baraarugtv.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khudbad ka jeediyay munaasibada sannad guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatey Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dheeraaday taariikhda maalinta iyo sida ay Qaran ahaan ugu wayn tagay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maalinta 26-ka Juun ay tahay maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland heshay Aqoosi dawladnimo, taasi oo ay Aqoonsadeen in ka badan 30 dawladood oo xubno ka ah Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa hoga tusaaleeyay sidii laab xaadhinada lahayd ee ay bulshada Somaliland gobonimadoodii ugu geeyeen walaalahooda Koonfurta, taasi oo uu madaxwaynuhu sheegay inay noqotay hungo iyo in indhaha laga laliyo Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in taariikhdaasi bulshada Somaliland dib u saxeen 1991-kii, halkaasi oo ay dib u yagleeleen dawladnimadoodii, isla markaasina ay samayteen Qaran jira oo dhamays tiran.
Khudabad Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday sida ay bulshada reer Somaliland u aqbaleen jidkii qadhaadhaa ee ahaa dib-u-dhiska Qaranka iyo in la isku tashado oo wadajir loo hirgaliyo dawladnimada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa intaasi ku daray waxyaabaha guusha ah ee ay Somaliland qabsatay, duniduna ku majiirato, sida Doorashooyinka, amniga, xasiloonida iyo nabad kula noolaashiyaha mandaqada.