Maxaa Ku Dhacey Heshiiskii Habarjeclo iyo Garxajis ee Ceelafweyn?

0
116

Burc,(Baraarugtv)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sawirka uu ugu wanqaley bilowga ololihiisa maanta wuxuu dhayda ka cadeeyay in heshiiskii la sheegayey in ay galeen beesha Habarjeclo iyo Garxajis ee Ceelafwey uu ahaa “Shinbirayahow heesa,hees wanaagsan qaada”.marka la eego taagaarayaasha dacal-dacal la eego ee xismiga murashaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee kulmiye,ayaa loo fadhiyin marka la eego waxyaabaha ay mucaaridku aaminsiiyeen bulshada.

Deegaanada iyo magaalooyinka Beesha Habarjeclo ayaa siweyn maanta looga taageeray xisbiga kulmiye oo awood ku soo bandhigay siday u taageersan yihiin madaxweyne Muuse Biixi.isla markaana Gobolka Saraar,Caynaba,Ceelafweyn,Garadag,Sanaag,Ceerigaabo iyo Burco ee Gobolka Togdheer.

 

Sidoo kale,taageerida beesha Habarjeclo la sheegay xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro,ayaa muujinaaya mid been iyo borobogaadho laga wadey baraha bulshada.

 

Siddoo kale,qaar ka mid ah dadka la socda Maxamuud Xaashi Cabdi ee ururka kaah,ayaa ku qoray,kuna faafiyey qoraal ay maanta kaga hadlayaan sida looga taageeray murashaxa jagada madaxweynaha kulmiye Muuse Biixi Cabdi deegaanada iyo magaalooyinka beesha Habarjeclo inuu sabab u yahey Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi.kuwaas oo iftiimiyey in kala shaki iyo aamidaro ka dhexjiro iyo beesha Habarjwclo oo ka shakiday heshiiskii ay la galeen beesha garxajis ee Waddani iyo ururka kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.balse waxay walaac ka muujiyeen taagirida beesha Habarjeclo ee Muuse Biixi ay sabab u tahey khilaaf ka dhex jira Waddani.

Hase,yeeshee xeel dheerayaasha aqoonta siyaasada u leh,ayaa ku doodaaya marka la eego awooda taageerada ay u muujisay beesha habarjeclo Muuse Biixi ay tahey mid aan qaadan heshiiskii odayaasha Habarjeclo galeen ee xisbiga waddani.laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in sida biyaha loo kala baxayo maalinta la gaadho maalinta doorashada.