Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha Ololaha Doorashda:
1. Waxa ay Xisbiga Waddani iyo Kulmiye ka joojiyeen gebi ahaan isu-soo-baxyada iyo olalaha habeenkii.
2. Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo Xisbiga Kulmiye u furay in ay ku ololeeyaan Khayriyada Magaalada Hargeysa, halka Xisbiyada kale na loo diiday habeenkoodii.
3. Waxa ay mar labaad uga digeen in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay Olole ka dhigaan magaalada Ceel-afweyn.