Aragtida aad naftaada ka haysato, fahamkaada nolosha iyo adduun-

0
8

Sida aad u fekerto, ayaad u nooshahay.

Aragtida aad naftaada ka haysato, fahamkaada nolosha iyo adduun-araggaaga waxa go’aamiya habfekerkaaga. Waxaa jira habfeker togan iyo caqliyad toolmoon iyo habfeker taban iyo caqliyad dhagaxowday.

Qofka habfekerkiisu togan yahay wuxuu aaminaa in uu ka guulaysan karo caqabadaha jira, waqtiga adag, kooxaha ay is’hayaan, sida oo kalana ka tallaabsan karo tiiraanyada dhibka ku dhaca. Haddii ay wax ka qaldamaan masuuliyadda dusha ayuu saartaa, go’aan ayuu qataa, ficilkii lamahuraanka ahaana wuu ku dhaqaaqaa. Hore ayuu u socdaa, hal’abuur iyo hindise cusub ayuu la yimaaddaa, hankiisa uma daayo armaad guulaysan waydaa, iyo armay sidan wax u dhacaan.

Laakiin, ruuxa habfekerkiisu taban yahay, caqliyaddiisuna dhagaxowday wuxuu yeeshaa fekerka dhibbanaha (victim mentality), oo ah in wax kasta oo ku dhaca, ama uu gaari waayo, ama ka hallaabay masuuliyaddeeda iyo eeddeeda cid kale dusha uga tuuro. Wuxuu yeeshaa caqliyadda dhagarmaleegga (conspiracy theory), oo ah in wax kasta laga hortaagan yahay, loo diiddan yahay, laga xun yahay, sidaa awgeedna aanu u guulaysan karin. Fursadaha ma arko, caqabadaha ka fekerkooda iyo hadalhayntooda ayuu waqtiga iskaga lumiyaa. Hal’abuur ma yeesho, tijaabo iyo iskudday ma galo, cabsi uu guuldarrada ka qabo ayuu hankiisa u daayaa, sida doqonta ayuu yaan lagaaga daran dulliga u aqbalaa, dulmigana ugu hoggaansamaa. Halkiisaas kama dhaqaaqo, horusocod ma yeesho, wuxuuna ku danbeeyaa bartii yaqaan aysan bar kale u kordhin.

Tani waa sababta ku dhawaad kelmadda feker 18 jeer ay Qur’aanka ugu soo aroortay. Halka kelmadda caqli iyo wixii caqliyad la xiriirta lagu xusay 49 mar. Dhanka kale, kelmadda u dhiganta ee “ulul albaab” waxa lagu sheegay 32 jeer. Si taa ka sii fog ayaa diidamada caqli dhagaxowga uu Qur’aanku kaga digay 148 jeer. Intan oo dhami waxay ku tusinayaan mudnaanta fekerka iyo in qofku si wanaagsan u adeegsado caqliga iyo garaadka. Waxa la diiday in qofku dameeri dhaanraacday noqdo, oo xunbada dadweynuhu kolba dhan u siddo, ama uu ku danbeeyo tabta daadka rogmanaya ee marba meel gelaya.

Waxa qoray Xildhibaan Cabdishakuur