Hargeysa,(RSI TV)- –

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay General Dagvin Anderson, Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka ee (AFRICOM), Safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka, Ambassador Justin Davis iyo Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayeen oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid leh muhimmad istiraatijiyadeed oo culus, ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee ay labada dhinac ku leeyihiin Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Madaxweynuhu waxa uu weftiga Maraykanka la wadaagay doorka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay nabadgelyada, xasilloonida iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadda ee gobolka, isaga oo xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay mudnaan gaar ah siiso ilaalinta amniga xuduudaheeda, la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah, iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed.
Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee AFRICOM, Mr. Dagvin Anderson ayaa xusay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga guud ee Badda Cas iyo ka Gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaw oo ay labada dhinac yeeshaan.
Sida oo kale, Safiir ku-xigeenka Dowladda Maraykanka, Mr. Justin Davis ayaa Somaliland ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, iyo sida ay Somaliland u leedahay awood ciidan oo nidaamsan iyo hannaan siyaasadeed oo xasiloon.
Safiir ku-xigeenka ayaa muujiyey in Dawladda Maraykanku ay muhiim u aragto sii xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha amniga, iyo kobcinta xidhiidha labada dal.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay si buuxda ula shaqeyso Dawladda Maraykanka, si loo adkeeyo amniga gobolka, lana xoojiyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, gaar ahaan kuwa ka dhashay Hirdanka Quwadaha waaweyn ee marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas iyo dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxaha xasillooni darrada ka wada gobolka.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu muujiyey in ay jirto fursad ballaadhan oo u taalla labada dal, taasi oo ku saabsan xoojinta iskaashiga Difaaca, Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga culus u caddeeyay in Somaliland ay tahay Saaxiib la isku hallayn karo oo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla goobta ugu istiraatijisan Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Danaha Amni iyo kuwa Istiraatijiyadeed ee Maraykanku uu ku leeyahay Gobolka Bariga Afrika ay si dhab ah ugu jiraan Aqoonsiga Somaliland, maadaama Somaliland ay tahay dal leh nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeeya, ciidamo Qaran oo amnigeeda sugayay muddo ka badan 30 sano iyo goob muhiim u ah istiraatijiyadda Maraykanka ee ah xasilloonida mandaqadda.
Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay is-afgarad buuxa oo ku saabsan in labada dhinac ay sii xoojiyaan iskaashiga amniga, kor u qaadaan hawlgallada istiraatiijiga ah, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo amniga guud ee Gobolka Geeska Afrika, si loo suurto geliyo hannaan ku dhisan dano-wadaag iyo iskaashi joogto ah oo midho dhal ah.
Waxa xusid mudan in Weftigii ka socday Maraykanka ee ay hoggaaminayeen Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka (AFRICOM) Gen. Dagvin Anderson iyo Safiir ku-xigeen Justin Davis, markii ay dhammaysteen kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxa loo kaxeeyey Madaarka, Dekadda Caalamiga ah ee Berbera iyo Magaalo Xeebeedka Berbera si ay u soo kormeeraan.
(),



