Dawladda Somaliland Oo ka hadashey Xaaladda Beelaha Saylec
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) waxa uu xilka hayaa tan iyo bishii December ee sannadkii hore, isaga oo ku soo baxay magacaabistii koowaad ee madaxweyne Cirro.
Muddada uu Wasiirku xilka hayey waxa Somaliland ka dhacay arrimo badan oo si toos ah ula xidhiidha shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga kuwaas oo aynu ka xusi karno
1: Xaaladda Ceerigaabo iyo colaaddii halkaas ka dhacday.
2: Qaramayntii ciidanka Madaniga oo ahayd arrin si toos ah u taabanaysa amniga Somaliland.
3: Nabadayntii Ceel-afweyn iyo soo afjarista colaaddii sokeeye ee halkaas muddada dheer ka taagnayd.
4: Shaqaaqadii deegaanka Agabar ee gobolka Gebiley.
5: Nabadaynta iyo gogosha isu soo dhowaynta ee haatan ka socota Ceerigaabo.
6: Qayla dhaanta ka imanaysa Saylac iyo xaaladda haatan ka taagan gobollada Awdal iyo Selel oo ah mid si toos ah u taabanaysa ammmaanka dalka.
Dhammaanba Lixdaa arrimood ee aynu soo sheegnay oo ahaa shaqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ma jirto mid ka mid ah oo uu Wasiir Cabdalle socdaal u galay si uu u soo xalliyo ama uu qayb uga noqdo.Marka laga reebo Wasiiru dawlaaha Wasaaradda Arrimaha gudaha oo isagu meelaha qaar ka dhex muuqda, haba yaraatee waxa si weyn aan u muuqan shaqada Wasiirka Arrimaha Gudaha iyada oo Somaliland xilliyadii hore looga bartay in Wasiirka arrimaha guduhu uu si toos ah u soo xalliyo hadba dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka dalka ku soo kordha.
Wasiir Cabdalle Sandheere oo ah ruux ixtiraam weyn ku dhex leh bulshada Somaliland, laguna ammaano sidii uu magaalada Berbera u soo hoggaamiyey xilligii uu Maayirka ka ahaa ayaa hadda lays waydiinayaa sababta uu Wasiirku uga maqan yahay saaxadda arrimaha aynu kor ku soo sheegnay.