Baraarugtv.com-Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa door muuqda ka qaatay qabsoomidda Shirweynaha Todobaadka Qurba-joogta Somaliland, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland. Shirweynaha ayaa ka furmay Sarovar Hotel, waxaana si rasmi ah u daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Shirweynahan oo soconaya muddo toddobaad ah ayaa waxa ka qayb galay wasiirro, safiirro, madax-dhaqameedyo, aqoonyahanno, ganacsato iyo haldoorka qurba-joogta Somaliland. Intii lagu jiray munaasabadda furitaanka, masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si gaar ah u bogaadiyey Dahabshiil Group, iyagoo ku ammaanay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaataan horumarinta bulshada, taageeridda munaasabadaha qaran iyo dhiirrigelinta iskaashiga qurba-joogta.
Ka qaybgalka Dahabshiil Group ee shirweynahan ayaa mar kale muujinaya sida ay uga go’an tahay taageeridda xoojinta xidhiidhka u dhexeeya qurba-joogta iyo bulshada gudaha, iyo ka qaybqaadashada hindisayaasha kor u qaadaya koboca dhaqaale iyo horumarka bulshada.


