Ujeeddada:-kulan Dhex-marey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

0
14

Juband(Baraarugtv.com)-Ujeeddada:-kulan Dhex-marey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo kulan Xasaasi ah kuleh Imaaraadka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay haatan ku sugan yihiin Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay ka socdaan wadahadallo heer sare ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadda Soomaaliya.

Labada hoggaamiye oo muddooyinkii dambe khilaaf adag kala dhaxeeyay dowladda Federaalka ayaa reportedly ka doodaya arrimaha doorashooyinka, xiriirka caalamiga ah, iyo sida ay u wajahaan cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadka Carabtu uu door muuqda ka qaadanayo kulammadan, maadaama Puntland iyo Jubaland ay si muuqata u tiirsan yihiin taageerada siyaasadeed iyo tan amni ee ay ka helaan UAE.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxay warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isna ku wajahan yahay Imaaraadka, si uu ugu biiro wadahallada socda haddii ay run noqoto waxa ay kordhinaysa miisaanka siyaasadeed ee kulanka.

Kulammadan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran ku saabsan jihada doorashooyinka, awood qeybsiga iyo xiriirka sii adkaanaya ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada qaarkood.