Dawladda Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtey Taliyihii Ciidanka Gorgor Guutada 18-aad Ee Dawladda Soomaaliya

0
45

Wajaale,(Baraarugtv.com)-“Waxaa isoo gaadhay in Ciidamada Amniga Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ay qabteen Taliyaha Guutada 18aad ee ciidanka Gorgor ee Somalia, Gaashaanle Xasan Ciraaqi.

Haddii warkaasi uu jiro Xasan Ciraaqi, waa basaas ay dawlada Soomalia u adeegsato maamul goboleedadeeda iyo wadamada jaarka la ah.

Xadgud weeye in basaaskaasi uu dawladda Somaliland sharci la’aan ku soo galo.

Waa inaan dhayalsi lagu sii daynin ee baadhitaan culus lagu sameeyaa, lana mariyaa Ciqaab udhiganta xadgudubka iyo dhuumashada uu dalkeena ku soo galay.

Waa inu ka caago, una barto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidankeedu iyo shacabkeedu ba, inay indha qudhaanjo leeyihiin kuna ilaashadaan dalkooda iyo dadkooda ba”.

WQ 📝 Bushaar Cabdiqaadir