Hargeysa-( Baraarugtv.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Imaraadka Carabta ayaa galabta si nabad gelyo leh ugu soo laabtay dalkooda hooyo iyagoo guulo waa weyn ka soo hooyey safarkaasi .
Madaarka Cigaal International waxaa madaxweynaha iyo waftigiisa ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubno door ah oo ka tirsan xukuumada .
Nuxurka guulaha ka soo baxay safarka Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaaradka Carabta waxaa warbaahinta uga xog waramay wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo Wasiirka madaxtooyada , waxaana ay hoosta ka xariiqeen in Guulaha safarkaasi laga soo hooyey ay dhawaan ka muuqaan doonan xukuumada Wadajir iyo Waxqabad .